Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dugsigii Farsamada ee Maxamuud Axmed Cali oo dib u dhis lagu sameeyey

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Dugsigii Farsamada ee Maxamuud Axmed Cali oo dib u dhis lagu sameeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dugsiga Farsamada ee Maxamuud Axmed Cali oo ay dib u dhis ku sameysay Hay”adda CISP oo kaashaneysa Midowga Yurub ayaa loogu talo galay in qeybaha kala duwan ee Farsamada gacanta lagu baro dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana dugsigaan oo ku yaala degmada Kaaraan maanta xarigga ka jaray masuuliyiin ay kamid ahaayeen wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Banaadir.

Basmo Caamir, guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Banaadir oo kahadashay munaasabad lagu qabtay dugsiga oo ay goob joog ahaayeen maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Kaaraan ayaa ugu horeyn u mahad celisay Hay’adda CISP oo dhistay dugsiga iyada oo ku bogaadisay shacabka iney ka faaiideystaan fursadan.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

“Waan u mahad celinayaa Hay’adda dhistay Dugsigaan oo leh waxtar weyn, waxaan leeyahay shacabka ree Kaaraan waa iney ka faaiideystaan fursadaan ay heleen”. ayey tiri Basmo Caamir.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Faysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay gacan ka geysan doonta dhameystirka qeybaha wali u horsan dugsiga si ay uga faaiideystaan Bulshada Soomaaliyeed.

“Inta wali inoo harsan wan dhameytiri doonaa insha allah, waxaana rajeyneynaa iney halkaan kasoo baxaan farsamo yaqaano dalkaan wax kusoo kordhiya”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Dugsiga Maxamuud Axmed Cali oo bur bursanaa wixii ka dambeeyey markii ay dhacday dowladii dhexe ee dalka ayaa dib u dhiskiisa waxa uu fursad u yahay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo doonayey iney bartaan xirfado ay ku shaqeystaan.

Previous Post

Daawo: Ciyaar ku saabsan isdhexgalka bulshada Hiiraan iyo Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose oo qarax ka badbaaday

Next Post
Xildhibaano Guddoonka Barlamaanka U Gudbiyay Soo Jeedin Lagu Laalayo Mooshin ay Horay M.weynaha Uga Keeneen Xilibanno Kale oo Baarlaanka ka tirsan+Dhageyso

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose oo qarax ka badbaaday

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In