Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dugsigii Farsamada ee Maxamuud Axmed Cali oo dib u dhis lagu sameeyey

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Dugsigii Farsamada ee Maxamuud Axmed Cali oo dib u dhis lagu sameeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dugsiga Farsamada ee Maxamuud Axmed Cali oo ay dib u dhis ku sameysay Hay”adda CISP oo kaashaneysa Midowga Yurub ayaa loogu talo galay in qeybaha kala duwan ee Farsamada gacanta lagu baro dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana dugsigaan oo ku yaala degmada Kaaraan maanta xarigga ka jaray masuuliyiin ay kamid ahaayeen wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Banaadir.

Basmo Caamir, guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Banaadir oo kahadashay munaasabad lagu qabtay dugsiga oo ay goob joog ahaayeen maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Kaaraan ayaa ugu horeyn u mahad celisay Hay’adda CISP oo dhistay dugsiga iyada oo ku bogaadisay shacabka iney ka faaiideystaan fursadan.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

“Waan u mahad celinayaa Hay’adda dhistay Dugsigaan oo leh waxtar weyn, waxaan leeyahay shacabka ree Kaaraan waa iney ka faaiideystaan fursadaan ay heleen”. ayey tiri Basmo Caamir.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Faysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay gacan ka geysan doonta dhameystirka qeybaha wali u horsan dugsiga si ay uga faaiideystaan Bulshada Soomaaliyeed.

“Inta wali inoo harsan wan dhameytiri doonaa insha allah, waxaana rajeyneynaa iney halkaan kasoo baxaan farsamo yaqaano dalkaan wax kusoo kordhiya”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Dugsiga Maxamuud Axmed Cali oo bur bursanaa wixii ka dambeeyey markii ay dhacday dowladii dhexe ee dalka ayaa dib u dhiskiisa waxa uu fursad u yahay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo doonayey iney bartaan xirfado ay ku shaqeystaan.

Previous Post

Daawo: Ciyaar ku saabsan isdhexgalka bulshada Hiiraan iyo Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose oo qarax ka badbaaday

Next Post
Xildhibaano Guddoonka Barlamaanka U Gudbiyay Soo Jeedin Lagu Laalayo Mooshin ay Horay M.weynaha Uga Keeneen Xilibanno Kale oo Baarlaanka ka tirsan+Dhageyso

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose oo qarax ka badbaaday

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In