Friday, March 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: Wadaniyadu ma ahan hadal ee waa ficil

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Xuska maalmaha gobonimada waxa uu na barayaa in aan dhisan karno mustaqbal qurux badan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kumanaan kamid ah, dadka ku nool magaalada Muqdisho oo ka qeybgalay munaasabadda lagu wey weynayay maalinta xorriyadda ee 1-da Luulyo oo maanta lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Banaadir Stadium ayuu madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo u khudbeeyay.

Madaxweynaha, ayaa ka hadlay qiimaha maalintan, isagoo sheegay in waxyaabaha gumeystiyaashii ay u adeegsadeen dadka Soomaaliyeed ay kamid aheyd qabiyaaladda iyo kala qeyb qeybinta umadda Soomaaliyeed.

Related posts

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Isbitaalka Xoogga ku booqday shacab Khawaarijtu dhibaateysay

March 6, 2026
Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

March 6, 2026

Mudane Farmaajo, madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale, xusay in astaamaha ay isaga egyihiin kooxaha argagaxisada iyo gumeystiyaasha ay tahay kala qeybinta iyo qabiyaaladda, waxaana uu shacabka ku booriyay in ay isku duubnaadaan isla markaana dowladda aaminaan.

“Maanta waxaad heysataan dowlad wanaagsan oo ka shaqeynaysa soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, waa in aad la shaqeysaan,” ayuu sheegay madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya aysan tabar darneyn haddii shacabka Soomaaliyeed garab istaagaan dowladdooda.

“Dadka doonaya in ay shacabka dowladooda ka hor keenaan waxaa ay raadinayaan waa sharci la’aan,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Mudane, Maxamed C/laahi Farmaajo, madaxweynaha dalka, ayaa shacabka Soomaaliyeed faray in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, si kooxaha nabad diidka ah loola dagaalamo lana xoreeyo wadanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay ku howlan tahay sidii awooda shacabka loogu soo celin lahaa, taas oo micinaheedu yahay in shacabku ay dooran karaan cidda ay doonayaan. Waxaa uu intaa ku daray in dalka maanta jaho wagaansan u socdo.

Madaxweynaha, ayaa si weyn carabka ugu adkeeyay dagaalada muddooyinkan dambe ku soo laa laabanayay deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool, isagoo ku baaqay in colaadaas i shuruud la’aan ah loo joojiyo, isla markaana ummadda Soomaaliyeed maanta aan u baahneyn dagaal iyo dhiig micno la’aan lagu daadiyo.

Arrinta Soomaaliland ayuu madaxweyne Farmaajo, sheegay in maamulkiisa ka go’an tahay dib u soo celinta wada hadaladii u dhexeeya Soomaaliya iyo Soomaaliland.

“Wax kasta, oo aan ku kasban karno kalsoonida walaalaheena Soomaaliland, waan sameynaynaa, maxaa yeeley waa gacanteena naga maqan la’aanteeda ma ahaan karno,” ayuu sheegay madaxweynuhu.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed, mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbadiisa qiimaha badneyd waxaa uu ku soo gabagebeeyay, ahmiyadda ay leedahay wadaniyadda, waxaana uu sheegay ” Wadaniyadu ma ahan hadal ee waa ficil”.

 

Previous Post

TOOS U DAAWO BANAAN BAXA LAGU WEY WEYNAYO MAALINTA XORRIYADDA EE 1-DA LUULYO

Next Post

DHAGEYSO:- Barnaaji Gaar ah oo ku saabasan halgankii Gobonimo doonka iyo 1-da Luulyo

Next Post
Arday Tababar Ku Saabsan Wadaniyada Loogu Qabtay Muqdisho

DHAGEYSO:- Barnaaji Gaar ah oo ku saabasan halgankii Gobonimo doonka iyo 1-da Luulyo

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Isbitaalka Xoogga ku booqday shacab Khawaarijtu dhibaateysay

March 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, (Jeneraal Khaalid) ayaa maanta booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed halkaas...

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

March 6, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Hay’adda King Salman Humanitarian Aid and Relief...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Cali Xaaji Aadan  ayaa daahfuray mashruuc dhinaca indhaha ah oo diiradda saaraya ilaalinta iyo daryeelka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino lacageed guddoonsiiyey Arday ka qeyb gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo kaalmaha hore galay+SAWIRRO

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino lacageed guddoonsiiyey Arday ka qeyb gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo kaalmaha hore galay+SAWIRRO

March 6, 2026
0

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ABAAL MARINNO LACAGEED GUDDOONSIIYAY TARTAMEYAASHA KAALIMAHA HORE KA GALAY TARTANKA QURAANKA EE BISHA RAMADAAN   Muqdisho,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In