Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “waxaan diyaar u nahay inaan soo celinno wada-hadalladii Somaliland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “waxaan diyaar u nahay inaan soo celinno wada-hadalladii Somaliland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabbaal-dagayay sanad guuradii 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koofureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur taas oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabaddan oo ay kasoo qeybgaleen kumannaan shacab ah ayaa ugu horreyn si kooban uga hadlay taariikhda xornimadda Soomaaliya iyo sidii looga adkaaday isticmaarkii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Related posts

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta ay mudan tahay in qofkasta oo Soomaali ah uu is waydiiyo 58 sano keddib in aan gaarnay himiladii ay lahaayeen Soomaalidii gobannimo doonka ahayd.

Mar uu ka hadlayay wada hadalladii hakadka galay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ayuu yiri; “Soomaaliland waa dad walaalaheen ah, duruufo badan oo na kala qaybiyay ayaan soo marnay. Dowladdan waxa ay diyaar u tahay in ay wada hadalladii soo celiso, si kasta oo aan kalsooni ku galin karnana aan ku galinno, maxaa yeelay waa walaalaheen, waana gacan iyo garab naga maqan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka soo noqnoqday ee degaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya aysan u baahnayn in colaad iyo dhiig dambe lagu daadiyo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dhibaatada argagixisadu ay ku hayso ummadda Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka in ay dowladda garab istaagaan si looga adkaado Alshabaab iyo Daacish oo doonaya in ay dalka dib u dhigaan ayaga oo adeegsanayo aragtiyo dadyow kale laga soo minguuriyay kuwaas oo lid ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyeed.

“Al Shabaab, Alqaacida iyo ISIS (Daacish) waxay isticmaalaaan qaabkii gumeystuhu u isticmaali jiray kala qeybinta dadkeenna. Waxay adeegsadaan qabaayalad iyaga oo isku dira qabiilladda, sameysatana odayaal dhaqmeed u gaar ah. Waa inaan ka xorownaa kooxahaas canaasiirta ah si aynu u gaarno nabadda iyo barwaaqadda aynu hiigsaneyno.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Maanta waxaad heystaan dowlad uu aduunku u arko in ay tahay dowlad wanaagsan, dowlad sharafkiinna iyo sumcaddiinna ilaalineysa oo idiin keeneysa magac wanaagsan. Waxaa la doonayaa in aad gacan siisaan, lana shaqeysaan dowladdiina.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maanta ubax dhigay Taalladda Dajirka Dahsoon oo ka mid meelaha taariikhiga ah ee lagu xasuusto dadkii usoo halgamay xornimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dhakhaatiir iyo dhallinyaro mutadawiciin ah, oo gargaar degdeg ah u fidinayay shacabka danyarta ah, si uu ugu dhiirrigeliyo hawlaha samafalka ah ee ay u fidinayaan shacabkooda.

Munaasabadda 1-da Luuliyo ee lagu qabtay Garoonka Banaadir waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow, wafdi ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, safiirada dowladaha Turkiga, Qatar, Shiinaha iyo Imaaraadka, xubno ka socday Midowga Afrika, Ciidamada qalabka sida iyo kumannaan shacab ah.

Previous Post

DHAGEYSO:- Barnaamijka oo ku saabsan Taariikhda maalinta Xorriyadda ee 1-da Luulyo

Next Post

Michael Keating oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda 1-da Luulyo

Next Post
Michael Keating oo Amaanay Midnimada Shacabka Soomaaliyeed

Michael Keating oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda 1-da Luulyo

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In