Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Hirgelintiisa ayaa kullan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxay ku daahfureen Wajiga labaad ee dib-u-eegista Dastuurka KMG-ah.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay in Guddigoodu u taaganyahay sidii uu ugu shaqeyn lahaa in Soomaaliya hesho Dastuur aan KMG aheyn.
“Waxaan u taaganahay in aan dib-u-eegis rasmi ah ku sameyno Dastuurka KMG ah, waxaana maanta Daahfurnay Wajigii labaad waxaa noo yaala shaqo badan taasi oo waliba aan rabno in aan ku dhameystirno waqti yar” ayuu yiri Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Guddigan ayaa tilmaamay in Dastuurku yahay heshiis Bulsho uuna ku socon karo wadatashi iyo in Bulshada loo soo bandhigo arrimaha jira.
“Dastuurka waa heshiis Bulsho kaasi oo la isku raacayo, waxaana muhiim ah in markasta laga wada tashado sidii wax loo sameyn lahaa, iyada oo Bulshada Soomaaliyeed loo soo bandhigayo arrimaha muhiimka ah”.ayuu Maxamed Daahir hadalkiisa ku daray.
Cutubyada Dastuurka ayaa loo kala qaaday saddex qeybood, waxaana Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka ka shaqeynayaan qeybtii ugu horeysay, taasi oo ay rajeynayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gabagabeeyaan.