Thursday, June 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon-Isweydaarsi ku saabsan Dib-u-Eegista Dastuurka oo ka dhacday London “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 2, 2018
in Wararka
0
Aqoon-Isweydaarsi ku saabsan Dib-u-Eegista Dastuurka oo ka dhacday London “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa dood Aqoon-Isweydaarsi ah oo ku saabsan sidii loo heli lahaa Dastuur dhameystiran oo Soomaali leedahay la yeelatay qaar kamid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga London ee dalka Ingiriiska.

Doodda oo ay ka soo qaybgaleen waxgarad, culumaa’udiin, haweenka, dhallinyarada iyo oday dhaqameedyo ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool UK uga qaybqaadan lahaayeen dib-u-eegista Dastuurka.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025

Zahra Cali Xasan oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa Jaaliyadda warbixin ka siisay horumarka ilaa iyo hada laga gaaray arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo howlaha hortabinta leh bilooyinka soo socoda ee la qaban doono.

Ka qaybgalayaashii doodda oo ay kamid ahaayeen Consullar Harbi Farah iyo Siyaasi Cabdi Cumar oo mar soo qabtay xilka Guddoomiyaha Jaaliyadda UK ayaa soo jeediyeen in waqtiga dhow ay Wasaaradda iyo labada Guddi ee ku hawlan dib-u-eegista Dastuurka ay wada qabtaan shir shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigayaan dib-u-eegista la sameeyay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa waxay tallaabo horumar leh ku tilmaameen Shir-weynihii Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka, iyagoo bogaadiyay wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo labada Guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka

Dhanka kale, Jaaliyadda waxay tilmaameen in ay yihiin wakiilo u taagan in Wasaaradda iyo labada Guddi ay ku garab siiyaan howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, doodda ayaa ku soo dhamaatay in wafdi ka kooban Wasaaradda iyo Guddiyada Qaran ee ku howlan dib-u-eegista Dastuurka ay yimaadaan UK si kulan ballaaran oo wadatashi ah loo la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool UK.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Mayor Yarisow & Deputy of SRSG discussed humanitarian issues

Next Post

“Yariisow” oo ku Amaanya Shcabka ka qayb qadshada sugida Amniga

Next Post
Guddoomiye Eng. Yarisow “Isboortigu wuxuu kaalin fiican ka qaataa Naabdda iyo isdhexgalka Bulshada”

"Yariisow" oo ku Amaanya Shcabka ka qayb qadshada sugida Amniga

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

June 11, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In