Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senator Ayuub Ismaaciil oo Mareykanka kula kulmay Congress Man Adam Smith+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Senator Ayuub Ismaaciil oo Mareykanka kula kulmay Congress Man Adam Smith+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

 Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalaaka Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dlka Mareykanka ayaa kulamo kaladuwan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka.

 

Kulankii ugu dambeeyey ayuu la yeeshey Mr Adam Smith oo ka tirsan Golaah Congresska Mareykanka,iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo ahmiyadda uu leeyahay.

“Waxaan maanta kulan natiijo miradhal ah leh la qaatay Mr. Adam Smith oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, waxa aan kala hadlay xiriirka labada dal iyo in Soomaaliya laga saaro liiska dalalka xayiraadda socdaal uu saarray Mareykanka,kulanka oo aan iskula eegnay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal u dhexeeya, iskaashiga iyo wax wadaagga istiraatiijiyadeed, waxa aan is tusinay muhiimadda ay leedahay in loo howlgalo sidii Soomaaliya looga saari lahaa liiska wadamada dadkooda laga xanibay inay socdaal ku yimaadaan dalka Mareykanka, lagana mamnuucay in dal ku gal la siiyo”. Ayuu yiri Senator Ayuub.

“Waxa aan dareensiiyay in Ummadda Soomaaliyeed ay aad uga xuntahay go’aankaasi, una aragto mid lagu fogeynayo,Waxa uu ballanqaaday inuu dadaal ballaaran ku bixin doono, una dhaqaaqi doono sidii Soomaaliya looga saari lahaa liiskaasi”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Senator Ayuub ISmaaciil.

Dhawaan waxaa uu la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka,isagoo warbixin ka siiyay horumarada ay ku talaabsanayso dowladda Soomaaliya,iyo kaalinta ay ka qaadan karaa dib u dhiska dalkooda.

“Shir jaraa’id oo aan si wadajir ah u qabannay ayeynu si wadajir ah ugu hambalyeynay Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 58 guurada ka soo wareegatay markii dalka Soomaaliya uu helay gobonnimada, sidoo kale uu dhacay israaca Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, laguna dhawaaqay dhidiba u taagidda Jamhuuriyadda Soomaaliya”Ayuu yiri Senator Ayuub.

Previous Post

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo warbixin ka bixisay dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Next Post

Qodobo laga soo saaray Shir looga hadlayay arrimaha maalgashiga dalka oo Muqdisho ka dhacay+sawirro

Next Post
Qodobo laga soo saaray Shir looga hadlayay arrimaha maalgashiga dalka oo Muqdisho ka dhacay+sawirro

Qodobo laga soo saaray Shir looga hadlayay arrimaha maalgashiga dalka oo Muqdisho ka dhacay+sawirro

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In