Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha Dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladd Ingiriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha Dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladd Ingiriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabadiraxmaan oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa waxaa uu kala hadlay xoojinta xiriirka saxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Safiirka ayaa marka hore Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay taageerada ay mar walba Soomaaliya siiyaan, isagoo sheegay in UK ay sii kordhineyso taageerada, waxaana uu aad u amaanay horumarada kala duwan ee dalka ka socda.

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

Waxyaabaha labada dhinac ay aadka uga wada hadleen waxaa sidoo kale ka mid ah arrimaha beni’’aadanimo ee Soomaaliya iyo sidii dowladda Ingiriiska uga qeyb qaadan laheyd caawinta dadka gudaha dalka ku barakacay.

Labada mas’uul ayaa waxaa kaloo ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka ka qabsoomi doona Soomaaliya iyo sidii ay u noqon lahayd doorasho qof iyo cod ah, waxaana Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay mar walba siiso dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Ugu dambeyn Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha amniga, Garsoorka dalka iyo sidoo kale sidii Dowladda Ingiriiska ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta hay’adaha garsoorka ee dalka.

Previous Post

Tababar ku saabsan Maareynta arrimaha Baarlamaanka oo maalintii 3-aad Muqdisho ka socda “SAWIRRO”

Next Post

Ganacsiga Soomaalida Masar “Dhageyso”

Next Post
Ganacsiga Soomaalida Masar “Dhageyso”

Ganacsiga Soomaalida Masar "Dhageyso"

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In