Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha Dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladd Ingiriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 5, 2018
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha Dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladd Ingiriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabadiraxmaan oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa waxaa uu kala hadlay xoojinta xiriirka saxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Safiirka ayaa marka hore Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay taageerada ay mar walba Soomaaliya siiyaan, isagoo sheegay in UK ay sii kordhineyso taageerada, waxaana uu aad u amaanay horumarada kala duwan ee dalka ka socda.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Waxyaabaha labada dhinac ay aadka uga wada hadleen waxaa sidoo kale ka mid ah arrimaha beni’’aadanimo ee Soomaaliya iyo sidii dowladda Ingiriiska uga qeyb qaadan laheyd caawinta dadka gudaha dalka ku barakacay.

Labada mas’uul ayaa waxaa kaloo ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka ka qabsoomi doona Soomaaliya iyo sidii ay u noqon lahayd doorasho qof iyo cod ah, waxaana Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay mar walba siiso dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Ugu dambeyn Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha amniga, Garsoorka dalka iyo sidoo kale sidii Dowladda Ingiriiska ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta hay’adaha garsoorka ee dalka.

Previous Post

Tababar ku saabsan Maareynta arrimaha Baarlamaanka oo maalintii 3-aad Muqdisho ka socda “SAWIRRO”

Next Post

Ganacsiga Soomaalida Masar “Dhageyso”

Next Post
Ganacsiga Soomaalida Masar “Dhageyso”

Ganacsiga Soomaalida Masar "Dhageyso"

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In