Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiyada dib u eegista Dastuurka ee BFS oo Muqdisho kulan ku yeeshay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddiyada dib u eegista Dastuurka ee BFS oo Muqdisho kulan ku yeeshay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgelinta Dastuurka, ayaa maanta ku wareejiyey guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ee BFS Shan cutub oo ka mid ah Dastuurka oo ay kasoo shaqeeyeen, kadib kulan ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho.

Kulanka, ayaa  waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax, waxa uuna sheegay in shantan cutub ay guddi ahaan ka soo shaqeeyeen guddiga la socodka Baarlamaanka  looga baahan yahay in bulshada ay la wadaagaan.

Related posts

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026

Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) Guddoomiyaha  guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dasuurka ee BFS, ayaa sheegay in dastuurka ay u qaybiyeen 15 cutub shan ka mid ah ay u soo gudbiyeen guddiga  madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka.

“15 Cutub ayaan dastuurka u qeybinay, 5 ayay soo gudbiyeen guddiga  madaxa banaan,  iyaggoo tasiilaadkii ay ku shaqaynayeen aysan u dhamaystirnayn, taasi waa guul u soo hoyatay labada guddi iyo wasaaradda dastuurka oo howl wadaag yihiin, ayuu yiri Mudane Cabdi Xasan Cawaale.

Wasiirka wasaaradda dastuurka Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa  ka warbixiyay howlaha dhankiisa ah ee dastuurka, waxa uuna sheegay in shirkii dhowaan madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada ku yeeshay baydhaba uu hor dhigay qodob ku xeran siyaasada.

“Madaxa qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada shirkii ay ku yeesheen magaaladda baydhaba waxaan hor dhigay qodob kala ah Doorashada iyo qaybsiga qayraadka “ ayuu yiri Wasii C/raxmaaan.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare baarlaamanka federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo kulanka ka qayb galay, ayaa u mahadceliyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka howsha ay soo qabteen, wuxuuna dhinaca kale sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay wada shaqaynta labada gudi ee dib u eegista dastuurka iyo wasaarada dastuurka .

“Waan u mahadcelinayaa guddiga madaxa banaan, dhanka kalana waxaa farxad ah in labada guddi ee dastuurka iyo wasaarada dastuurka in ay maanta miiska wada fadhiyaan oo ay wada shaqaynayaan loona baahan yahay in ay u dhabar adeegaan dhamaystirka dastuurka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan dastuur dhamaystiran “ ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Kulan markii uu soo  dhammaaday ka dib, ayaa kulanka maanta waxaa laga soo saaray war saxaafadeed ku aadan heerarkii uu soo maray dastuurka waxaana saxaafada u aqriyay xoghayaha guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dasuurka ee BFS Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

 

Previous Post

Kulan looga Hadlayay Shaqo La’aanta heysa Ardayda kasoo baxda Jaamacadaha oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Wasiir Beyle “Dakhliga Dalka 58% ayaan Daboolnay”

Next Post
Wasiir Beyle “Dakhliga Dalka 58% ayaan Daboolnay”

Wasiir Beyle “Dakhliga Dalka 58% ayaan Daboolnay”

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In