Friday, October 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo furay kalfadhiga 4aad ee baarlamaanka Hirshabeelle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha shacabka oo loo doortay Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ugu horeyn ugu mahad celiyay madaxda Hirshabelle sida wafdiga uu hogaaminayo ay Magaalada Jowhar ugu soo dhaweeyeen.

Related posts

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025

“Mudanayaal iyo marwooyin sharaf weyn ayay ii tahay inan maanta furo Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle, sidoo kale waxa rabaa inan aad idiin kaga mahad celiyo soo dhaweynta aad noo sameyseen aniga iyo wafdiga an hogaaminayo” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada Hirshabelle kula dardaarmay iney si wanaagsan u gutaan masuuliyadda saran, kana shaqeeyaan hormarinta shacabka ay matalaan.

“Runtii waxa idiin saaran masuuliyad weyn, waxa idiin kula dardaarmayaa inad dadaal badan sameysaan, sidoo kalena aad Kalfadhiggan shaqooyin badan qabataan” ayuu mar kale yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Waxa uu tilmaamay in guddoonka golaha shacabka uu diyaar u yahay inuu si dhaw ula shaqeeyo Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Munaasabada furitaanka waxa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali C/llaahi Xuseen (Cali guudlaawe).

Sidoo kale munaasabada waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Sheekh Cismaan Barre Maxamed, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo marti sharaf kale.

—–DHAMMAAD—–

Previous Post

Shir looga hadlayay sare u qaadidda ganacsiga dalka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in aan la aqbali doonin Qof aan shaqa tegin oo Mushaar qaata-(Sawirro)

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

October 16, 2025
0

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal Government of Somalia, and Hideki Matsunaga, Country Manager, World Bank Group,...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta ka heshay abaalmarin iyo aqoonsi heer caalami ah shirkii World Food Forum, taasoo...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

October 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In