Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo furay kalfadhiga 4aad ee baarlamaanka Hirshabeelle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha shacabka oo loo doortay Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ugu horeyn ugu mahad celiyay madaxda Hirshabelle sida wafdiga uu hogaaminayo ay Magaalada Jowhar ugu soo dhaweeyeen.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Mudanayaal iyo marwooyin sharaf weyn ayay ii tahay inan maanta furo Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle, sidoo kale waxa rabaa inan aad idiin kaga mahad celiyo soo dhaweynta aad noo sameyseen aniga iyo wafdiga an hogaaminayo” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada Hirshabelle kula dardaarmay iney si wanaagsan u gutaan masuuliyadda saran, kana shaqeeyaan hormarinta shacabka ay matalaan.

“Runtii waxa idiin saaran masuuliyad weyn, waxa idiin kula dardaarmayaa inad dadaal badan sameysaan, sidoo kalena aad Kalfadhiggan shaqooyin badan qabataan” ayuu mar kale yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Waxa uu tilmaamay in guddoonka golaha shacabka uu diyaar u yahay inuu si dhaw ula shaqeeyo Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Munaasabada furitaanka waxa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali C/llaahi Xuseen (Cali guudlaawe).

Sidoo kale munaasabada waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Sheekh Cismaan Barre Maxamed, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo marti sharaf kale.

—–DHAMMAAD—–

Previous Post

Shir looga hadlayay sare u qaadidda ganacsiga dalka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in aan la aqbali doonin Qof aan shaqa tegin oo Mushaar qaata-(Sawirro)

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in aan la aqbali doonin Qof aan shaqa tegin oo Mushaar qaata-(Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in aan la aqbali doonin Qof aan shaqa tegin oo Mushaar qaata-(Sawirro)

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In