Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shakhsi nuucee ah ayuu ahaa Sheekh C/laahi Sheekh Mad Rooble oo ay dileen Alshabab?- Dhageyso

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Shakhsi nuucee ah ayuu ahaa  Sheekh C/laahi Sheekh Mad Rooble oo ay dileen Alshabab?- Dhageyso

Sheekh C/laahi Sheekh Maad Rooble

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamuud Sheekh Maday Sheekh Maad Rooble, oo Allah u naxariistee, Sheekh C/laahi Sheekh Mad Rooble uu adeer u yahay oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in Sheekha lagu diley deegaanka Weydaw ee duleedka Muqdisho xilli uu ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Allah u naxariistee, Sheekh C/laahi oo hadda da’diisu aheyd 85 sano jir ayaa waxaa uu ahaa nin madax u ah dariiqada Qaadiriyah oo xarunteedu tahay deegaan ku dhow degmada Bardaale ee gobolka Baay. Isagoo xilkaas ka dhaxlay aabihiis Sheekh Maad Rooble oo ahaa caalim si weyn looga yaqaano gobolada Koofureed ee dalka.

Sheekh, waxaa uu lahaa xarumo lagu faafiyo diinta isla markaana ku xiran yihiin dad badan, maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa horey u faagay isla markaana dibadda u soo saaray qabriga Aabihiis Sheekh Maad Rooble oo ku aasanaa deegaanka Kooraar oo qiyaastii 5-KM u jira Bardaale.

Sheekh C/laahi Sheekh Maad Rooble

Meydka Sheekh C/laahi Sheekh Maad Rooble,ayaa shalay laga duuliyay magaalada Muqdisho waxaana lagu aasay deegaanka Kooraar oo Aabihiis uu ku aasan yahay isla markaana ay ku taalo xarunta weyn ee Dariiqada uu isaga uu madaxa u ahaa.

Haddaba, Talifaftiraha Radio Muqdisho, Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa wareystay, Maxamuud Sheekh Maday Sheekh Maad Rooble isaga ayaana faahfaahinaya Taariikhda Sheekha.

Dhageyso.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/07/Maxamed-Sh-Maday-Sh-Maxamed-Rooble-.mp3
Previous Post

Haweeney Soomaali ah oo loo ogolaaday in ay wadi karto Taxi ayadoo xijaaban “Sawirro+Dhageyso”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In