Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shakhsi nuucee ah ayuu ahaa Sheekh C/laahi Sheekh Mad Rooble oo ay dileen Alshabab?- Dhageyso

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Shakhsi nuucee ah ayuu ahaa  Sheekh C/laahi Sheekh Mad Rooble oo ay dileen Alshabab?- Dhageyso

Sheekh C/laahi Sheekh Maad Rooble

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamuud Sheekh Maday Sheekh Maad Rooble, oo Allah u naxariistee, Sheekh C/laahi Sheekh Mad Rooble uu adeer u yahay oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in Sheekha lagu diley deegaanka Weydaw ee duleedka Muqdisho xilli uu ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

 

Related posts

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

January 21, 2026
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

January 21, 2026

Allah u naxariistee, Sheekh C/laahi oo hadda da’diisu aheyd 85 sano jir ayaa waxaa uu ahaa nin madax u ah dariiqada Qaadiriyah oo xarunteedu tahay deegaan ku dhow degmada Bardaale ee gobolka Baay. Isagoo xilkaas ka dhaxlay aabihiis Sheekh Maad Rooble oo ahaa caalim si weyn looga yaqaano gobolada Koofureed ee dalka.

Sheekh, waxaa uu lahaa xarumo lagu faafiyo diinta isla markaana ku xiran yihiin dad badan, maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa horey u faagay isla markaana dibadda u soo saaray qabriga Aabihiis Sheekh Maad Rooble oo ku aasanaa deegaanka Kooraar oo qiyaastii 5-KM u jira Bardaale.

Sheekh C/laahi Sheekh Maad Rooble

Meydka Sheekh C/laahi Sheekh Maad Rooble,ayaa shalay laga duuliyay magaalada Muqdisho waxaana lagu aasay deegaanka Kooraar oo Aabihiis uu ku aasan yahay isla markaana ay ku taalo xarunta weyn ee Dariiqada uu isaga uu madaxa u ahaa.

Haddaba, Talifaftiraha Radio Muqdisho, Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa wareystay, Maxamuud Sheekh Maday Sheekh Maad Rooble isaga ayaana faahfaahinaya Taariikhda Sheekha.

Dhageyso.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/07/Maxamed-Sh-Maday-Sh-Maxamed-Rooble-.mp3
Previous Post

Haweeney Soomaali ah oo loo ogolaaday in ay wadi karto Taxi ayadoo xijaaban “Sawirro+Dhageyso”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

January 21, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qaybgalay Shir-weynaha 5-aad ee Xarunta...

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

January 21, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, Marwo Faadumo Cabdi Cali Faandhe, ayaa maanta booqasho ku tagtay xarunta...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

January 21, 2026
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan rasmi ah yeeshay, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali-Xoosh), iyo wafdi sare oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In