Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaa laga bartay Inqilaabkii fashilmay eeTurkiga? (Maqaal)

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Maxaa laga bartay Inqilaabkii fashilmay eeTurkiga? (Maqaal)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Labo Sano ayaa ka soo wareegtay Afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga , kaasi oo daba socday mudaharaadyo rabshada watay oo xukuumadda dalkaasi looga soo horjeeday oo xooggiisu uu ka dhacay  magaalada Istanbuul sanadkii 2013dii, kuwaasi oo lagu magacdaray dibadbaxyadii “Gezi Park Protests”.

 

Xukuumadda Turkiga waxay ku eedeysay in ay ka danbeeyeen rabshadahaasi kooxda uu hogaamiyo Wadaadka  Musaafiriska ku jooga dalka Maraykanka ee Fatuhullah Gülen, islamarkaana ujeedada laga lahaa Qalalaasahan uu ahaa in hoos loogu dhigo dhibaatana lagu gaarsiiyo dhaqaalaha, amniga iyo muuqaalka dalka ee dhanka xuquuqda  bani’aadamka. Waxana xilligaas ururada udooda xuquuda aadanaha oo badankoodna laga leeyahay wadamada reer galbeedka ay ku eedeeyeen Xukuumadda Ankara in ay ku xadgudubto Xuquuqda Aadanaha.

Afgambigii dhicisoobay ee 15/07/2016 waxaa naftooda ku waayay tiro da ah oo ku dhow 300 oo qof,waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 1000 qof. Inkasta oo inqilaabku fashilmay hadana saamaynta ay dhacdadaaasi ka tagtay ayaa ah mid wax badan ka badashay aragtida dadwaynaha iyo siyaasada dalka. Waxaan shaki ku jirin in dhacdadaasi waddo cusub u jeexday hab socodka siyaasada dalka Turkiga ee Mustaqbalka.

Fashilaadda ku timid inqilaabkaasi waxay u horseeday dalka Turkiga dariiq ka duwan kii uu ku socday mudada boqolka sano ah oo ku beegan dhismihii Nidaamkii Jamhuuriyadddii Turkiga ee aasaasideeda uu lahaa“Mustafa Kamaaludiin Ata Turki”.

dhacdada Muhiimka ah ee ka dhalatay inqilaabkaasi fashilmay  waa meel marinta is badalada dastuurka dalkaasi lagu sameeyay, waxaana marag madoonto ah in muwaadiniinta turkigu 51% ay sababtaas darteed ku ogolaadeen isbadalkaas, kaasi oo awoodo dheeraad ah siinaya madaxwaynahya jamhuuriyada Turkiga  si loo helo hogaamiye awood leh oo dalka Turkiga ka  ilaaliya  Khatar soo wajahda Qaranimada iyo ku dhaqanka Dimoqoraadiyadda.

Afgambiga fashilmay kadib waxaa suurtagashay in hayadaha dawladda laga sifeeyo taageerayaasha  Wadaadka Fatuhullah Gülen ,waxaana xabsiga la dhigay dad gaaraya 50,000 oo oo isugu jira Millatari,Booliis, Garsoorayaal iyo Shaqaale rayid ah, way adkaan lahayd in kooxdaan laga nadiifiyo hayadaha dawladda haduusan iskudayga inqilaab dhici lahayn.

Tallaabadaan Xirxiridda iyo dalkoo lagu soo rogay xaalad dagdag ah “State of Emergency” ayaa keentay cambaaraynta ururo iyo dawlado reer galbeeda ah, kuwaasoo ku eedeeyay xukuumadda Ankara in inqilaabka kadib doonayso  in ay meesha kasaarto cid kasta oo ka hortimaada siyaasada madaxwayne Erdogan iyo xisbigiisa.

Turkiga wuxuu ku yaalaa gobol gubanaya oo ay ka sosdaan dagaallo wajiyo badan leh sida kan ka socda dalka Suuriya mudada todobada sano ah, kaasi oo dalka Turkiga Saamayn dhinac walba ah ku yeeshay

Dalka Turkigu meesha uu juqraafi ahaan ku yaal, taaariikhda dheer ee gobolka ku leeyahay, awoodiisa dhaqaale iyo tan Milatari waxaa lagama maarmaan ah in uu  door wayn ku yeesho   xallinta dhibaatooyinka gobolka, si taasi loo helana waa in marka hore Turkigu arimihiisa gudaha xal waara u helo ayna ka mid yihiin xaaladaha ka dhashay isku daygii inqilaab ee dhicisoobay.

Maadaama muddo labo sano ah ay kasoo wareegtay inqilaabka fashilmay ee Turkiga ayaa waxaa jira yididiillo iyo rajo wanaagsan oo ay shacbiga Turkiga  ka qabaan hoggaamiyahooda Racep Dayib Ordagaan oo 24/06/2018, si aqlabiyad ah loo doortay in uu dalkaasi u hoggaamiyo dhinaca horumarka iyo sidii uu kaga tallaabsan lahaa dabinada faraha badan ee loo maleegayo.

W/Q:- Abukar Gobdoon

Previous Post

Taliska qeybta 43-aad ee Xoogga Dalka oo xoojinaya abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Al-shabaab. +sawiro

Next Post

Xuska sanad guuradii 2 aad ee Afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho ka dhacday + Sawirro

Next Post
Xuska sanad guuradii 2 aad ee Afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho ka dhacday + Sawirro

Xuska sanad guuradii 2 aad ee Afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho ka dhacday + Sawirro

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In