Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dhageyso: XFS  oo faah faahin ka bixisay qorshayaasha horyaala 2018-2019
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo ku aadan in culimadu ay door ka qaataan wacyi gelinta bulshada.

Kulanka oo ka qabsoomay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  ayuu Culimaa’udiinku kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalka ay dowladdu ku bixineyso ka hortagga fikraha xagjirka ah ee ay maleeshiyaadka Al-Shabaab dadku ku marin habaabinayaan.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ka mid ah culimada maanta uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii ay bulshada uga wacyi gelin lahaayeen fikirka qaldan ee ay Shabaabku shacabka ku marin habaabinayaan in uusan Diinta Islaamka raad ku lahayn.

“Galabta waxaan xafiiskiisa Ra’iisul Wasaaraha ugu nimid, guddiga sare ee culimada,  Anagoo ah Guddiga sare ee culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir,  Sheekh Nuur Baaruud, anigoo Sheekh Cali-Wajiis ah, Sheekh Cabdiqaadir Soomow iyo Dr Maxamed Xaaji, waxaan halkan ugu nimid inaan arrimaha Qaranka is dhaafsano, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  waxa uu culimada Soomaaliyeed siiyaa arrimo aad u muhiim ah, xogta dowladda iyo amuuraha hadba waxyaabaha u qabsoomay,   guulo badan oo wax ku ool ah, culimaduna runtii ay aad u taageersantahay , iskaashi badana ay la leedahay dowladda” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis oo intaa ku daray . “Waxaan tallooyin ka siinay arrimaha Xajka iyo sida ugu fiican ee lagu xajin karo, sidoo kale amniga talooyin ku saabsan iyo cabashooyin nagu soo dhac dhacay oo bulshada xageeda nooga yimid oo uu aad nooga qanciyay, noona sheegay in waxyaabo badan oo dadku ka cabteen in wax ka qabanayo, waxaan kaloo kala hadalnay araah ku aadan arrimaha garsoorka, sidoo kale in la joogteeyo wadatashiga culimada iyo madaxda dowladda, shirka guul ayuu ku soo dhamaaday, Soomaalida waxaan ugu bishaareynayaa Insha Allah in Xukuumadda ay gacanta ku heyso arimo badan oo muhiim ah oo dalkan wax badan ka badali doonto”

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA SHIRKA BRUSSELS OO UU FURAY RA’IISUL WASAARE KU-XIGEENKA DALKA

Next Post

Mareykanka oo diyaar u ah wadahadallo toos ah in lala galo Talibanka 

Next Post
Mareykanka oo diyaar u ah wadahadallo toos ah in lala galo Talibanka 

Mareykanka oo diyaar u ah wadahadallo toos ah in lala galo Talibanka 

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In