Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Axmed Burhaan Maxamed “sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 17, 2018
in Wararka
0
Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Axmed Burhaan Maxamed “sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kusimaha madaxweynaah ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Axmed Burhaan Maxamed oo ku soo guuleystay tartanka Qur’aanka ee Dubai lagu qabtay.

Kulanka oo ahaa mid qado ah ayaa waxa ku wehlinaayay Aabe Burhaan Maxamed, Macalin Cabdinaasir Maxamuud Faarax oo ah macalinkiisa Qur’aanka Kariimka iyo Sheekh Maxamed C/llaahi oo ka tirsan madaxda Masjidka Abuubakar Sadiiq ee Minneapolis.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025
Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

July 6, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay inuu aad ugu farxay guusha uu Axmed Burhaan ka gaaray tartankii Qur’aanka ee Dubai lagu qabtay.

“ Waxa idiin kaga mahad celinaya sida wanaagsan ee aad iga aqbasheen casuumaada aan idiin fidiyay, guusha aad gaartay waa guul weyn oo Soomaali dhan farxad gelisay, waan kaaga mahad celinaya dadaalka aad sameysay” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay in muhiimada kulankan uu yahay mid dhiira gelin ah, guushaana ay tahay guul Qaran.

“ Runtii golaha shacabka aad ayuu usoo dhaweeyay guushan, waxan ka shaqeynaya sidii maamuus sare loogu sameyn lahaa dhalinyarada guulaha noocaan oo kale ah Qaranka usoo hooyay” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha.

Axmed Burhaan Maxamed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka iyo casuumaadda guddoomiyaha golaha shacabka.

“ Waa ku faraxsanahay sida la ii casuumay oo la ii sharfay maanta, kulankan Waxaa ku qiyaasaya maamuus iyo ixtiraam aad u badan oo la ii sameeyay, dhiira gelin weyn ayay ii tahay”. ayuu yiri Axmed Burhaan Maxamed.

Kulanka waxa gooboog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ( Muudeey ), Habdhowraha golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “ Nuux “ iyo Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Axmed Burhaan ayaa ku guuleystay abaal marinta Dubai ee caalamiga ah, isagoo ka guuleystay in ka badan 100 qof oo ka kala yimid dalal badan.

Previous Post

Xaflad Sagootin ah oo loo sameeyay ku Xigeenkii hore ee Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka+Sawirro

Next Post

Akhriso:-Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee kulanka Wakiillada Ganacsatada Madasha Iskaashiga Soomaaliya

Next Post
Akhriso:-Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee kulanka Wakiillada Ganacsatada Madasha Iskaashiga Soomaaliya

Akhriso:-Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee kulanka Wakiillada Ganacsatada Madasha Iskaashiga Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Laascaanood, xarunta...

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa si rasmi ah u Daah-furay Dhismaha cusub...

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 06-JULY-2025- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Iyo Maalgashiga XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beene-Beene) ayaa maanta waxa uu  daahfuray daraasaad ku...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Muqdisho, 06 Luulyo 2025 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In