Saturday, August 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ku aadan gulufka ka dhanka ah Alshabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ku aadan gulufka ka dhanka ah Alshabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaareynaysaa kooxda al-Shabab oo weerar fuleynimo ah ku qaaday saaka sandhig ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Baar-Sanguuni.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Aadan Isxaaq Cali, ayaa sheegay in maleeshiyada al-Shabab ay ku jabeen weerarka, oo loo adeegsaday 2 gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay iyo maleeshiyada oo weerar toos ah isku dayday in ay xerada ku qabsadaan.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS oo maanta hortagay Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare

Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS oo maanta hortagay Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare

August 15, 2026
Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo u hambalyaysay gabdhaha kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo u hambalyaysay gabdhaha kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

August 15, 2026

“Guul darro xoog leh ayay kala kulmeen ciidamada dalka, iyadoo ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland, oo iskaashanaya ay ku raad joogaan intii ka hartay maleeshiyada al-Shabaab ee weerarka soo qaadday, mana laga hari doono ilaa la carib-tiro.” Ayuu yiri Mudane Aadan Isxaaq Cali.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Isxaaq Cali, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka, oo ka feejignaa dhagarta Al-shabaab ay halkaasi ku dileen ilaa 87 ka tirsanaa maleeshiyaadkii weerarka naf la caariga ah soo qaaday.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, ayaa ku guuleystay, iyagoo daba socday haraaga maleeshiyada al-Shabab in ay si buuxda ula wareegeen buundada caanka ah ee Araare.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, ayaa u mahadceliyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland sida geesinimada leh ee ay u jabiyeen maleeshiyada habowsan ee al-Shabab ee caadeystay dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Ku simaha Wasiirka, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay tacsi u direyso dhamaan ehelada ay ka tageen askarta naf-hurayaasha ee ku shahiiday dagaalkan iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ay naftooda u hureen, iyadoo isla markaana Dowladda Federaalku ay ballanqaadday daweynta askarta dagaalka ku dhaawacantay, xitaa hadii loo baahdo in dibedda lagu soo daweeyo.

Maleeshiyada al-Shabab, ayaa ciidamada qaranka kala kulmay guul darrooyin isdaba joog ah muddooyinkii ugu dambeeyay. Ciidamadu ma harsan doonaan ilaa ay ka soo afjaraan hagar-daamada maleeshiyada al-Shabab iyo gabood-fallada ay kula kacaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Jiritaanka al-Shabab waa gabaabsi.

Previous Post

Faah faahino dheeraad ah oo ku saabsan qasaarihii Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkii Baar-Sanguuni “Dhageyso”

Next Post

Dab ka kacay Giriiga oo Dad badan ku dhinteen

Next Post
Dab ka kacay Giriiga oo Dad badan ku dhinteen

Dab ka kacay Giriiga oo Dad badan ku dhinteen

Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS oo maanta hortagay Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare

Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS oo maanta hortagay Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare

August 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo...

Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo u hambalyaysay gabdhaha kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo u hambalyaysay gabdhaha kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

August 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa si weyn ugu hambalyeysay gabdhaha Soomaaliyeed...

Dowladda Soomaaliya oo damaanad qaadday arday kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

Dowladda Soomaaliya oo damaanad qaadday arday kaalmaha hore u galay Imtixaanka Qaranka

August 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay saddexda arday ee kaalmaha...

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare

August 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In