Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muqdisho oo looga dhawaaqey Urur ka shaqeeya Saaxaabtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Muqdisho oo looga dhawaaqey Urur ka shaqeeya Saaxaabtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda lagu daah furayay Ururkan ka shaqeenaya Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka qeybgalay Wasiiro,xildhibaano,taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,Danjiraha Shinaha u qaabilsan Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Xubnaha ka qeybgalay waxaa kamid ahaa Wasiir kuxigeenbka Waxbarashada Faysal Cumar Guuleed,Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga C/laahi Colaad Rooble,Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,kuwaasi oo dhamantoodi ammaanay dowrka dowladda Shiinaha ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan taageerada dhinacyada dib u dhiska,dhaqaalaha iyo arrimaha bani,aadanimada.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

C/llaahi C/qaadir Xaashi oo ah guddoomiyaha ururka Saaxxibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha oo ah dhalinyaro wax ku soo baratay dalka Shiinaha ayaa sheegay in ay ka go’antay sidii aqoontii ay soo barteen dib ugu celin lahaayeen dalkooda hooyo,ayna ka shaqeyndoonaan dhiirogelinta xiriirka labada dal.

Qin Jian oo ah Danjirah Shiinaha ee Soomaaliya ayaa balanqaaday in ka dowlad ahaan ay si dhab ah u garab istaagi doonan Soomaaliya,ayna iska kaashan doonaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Mudane Faysal Cumar Guuleed oo ah wasiir kuxigeenka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweyeey talaabadan lagu aas aasey ururkan,oo uu ku tilmaamay mid muhiimad gaar ah leh.

“Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha waa mid taariikhi ah,waxaa uu ahaa xiriir soo jireen ah,waxaan Shiinaha iskakaashanaa waxyaabo badan oo ay waxbarashadu ka mid tahay,waxaan rabnaa hadda in fursadaha waxbarasho ee dibadda ah loo bedelo in Shiinaha uu ka qeyb qaato tayeynta waxbarashada Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiir Faysal Cumar Guuleed.

Dowladda Shiinaha ayaa dalka Soomaaliya waxay ka hirgelisay mashaariic horumarineed oo kaladuwan laga soo bilaabo xiligii xoriyadda ee Soomaaliya ilaa haatan oo xiriir qoto dheer uu kala dhexeeyay Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhoweeyay Asmara

Next Post

Daawo Sawirrada soo dhaweeynta Madaxweynaha JFS ee Magaalada Asmara

Next Post
Daawo Sawirrada soo dhaweeynta Madaxweynaha JFS ee Magaalada Asmara

Daawo Sawirrada soo dhaweeynta Madaxweynaha JFS ee Magaalada Asmara

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In