Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muqdisho oo looga dhawaaqey Urur ka shaqeeya Saaxaabtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha+sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Muqdisho oo looga dhawaaqey Urur ka shaqeeya Saaxaabtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda lagu daah furayay Ururkan ka shaqeenaya Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka qeybgalay Wasiiro,xildhibaano,taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,Danjiraha Shinaha u qaabilsan Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Xubnaha ka qeybgalay waxaa kamid ahaa Wasiir kuxigeenbka Waxbarashada Faysal Cumar Guuleed,Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga C/laahi Colaad Rooble,Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,kuwaasi oo dhamantoodi ammaanay dowrka dowladda Shiinaha ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan taageerada dhinacyada dib u dhiska,dhaqaalaha iyo arrimaha bani,aadanimada.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

C/llaahi C/qaadir Xaashi oo ah guddoomiyaha ururka Saaxxibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha oo ah dhalinyaro wax ku soo baratay dalka Shiinaha ayaa sheegay in ay ka go’antay sidii aqoontii ay soo barteen dib ugu celin lahaayeen dalkooda hooyo,ayna ka shaqeyndoonaan dhiirogelinta xiriirka labada dal.

Qin Jian oo ah Danjirah Shiinaha ee Soomaaliya ayaa balanqaaday in ka dowlad ahaan ay si dhab ah u garab istaagi doonan Soomaaliya,ayna iska kaashan doonaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Mudane Faysal Cumar Guuleed oo ah wasiir kuxigeenka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweyeey talaabadan lagu aas aasey ururkan,oo uu ku tilmaamay mid muhiimad gaar ah leh.

“Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha waa mid taariikhi ah,waxaa uu ahaa xiriir soo jireen ah,waxaan Shiinaha iskakaashanaa waxyaabo badan oo ay waxbarashadu ka mid tahay,waxaan rabnaa hadda in fursadaha waxbarasho ee dibadda ah loo bedelo in Shiinaha uu ka qeyb qaato tayeynta waxbarashada Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiir Faysal Cumar Guuleed.

Dowladda Shiinaha ayaa dalka Soomaaliya waxay ka hirgelisay mashaariic horumarineed oo kaladuwan laga soo bilaabo xiligii xoriyadda ee Soomaaliya ilaa haatan oo xiriir qoto dheer uu kala dhexeeyay Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhoweeyay Asmara

Next Post

Daawo Sawirrada soo dhaweeynta Madaxweynaha JFS ee Magaalada Asmara

Next Post
Daawo Sawirrada soo dhaweeynta Madaxweynaha JFS ee Magaalada Asmara

Daawo Sawirrada soo dhaweeynta Madaxweynaha JFS ee Magaalada Asmara

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In