Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mahdi Guuleed ”hadii uu dhamaado barnaaijkaan wacyigelinta waxaa ku xigto diiwaan gelinta cod-bixiyaha iyo samaynta goobihii ay cod-bixintu ka dhici lahayd”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Mahdi Guuleed ”hadii uu dhamaado barnaaijkaan wacyigelinta waxaa ku xigto diiwaan gelinta cod-bixiyaha iyo samaynta goobihii ay cod-bixintu ka dhici lahayd”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dardar-gelinta barnaamijka Wacyi-gelinta Cod-bixiyaha ay muujinayso in meel wanaagsan la marsiinayo dadaalka loogu jiro hir-gelinta hanaankii doorasho qof iyo cod ah ay uga dhici laheyd Soomaaliya sannadka 2020-ka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qayb gelay Barnaamij uu soo diyaariyay guddiga madaxa banaanaan ee doorashooyinka qaranka oo xisbiyada siyaasadeed lagu weydiinayay qaabka ay u arkaan in loo wacyi-geliyo cod-bixiyaha, ayaa sheegay in hadii uu dhamaado barnaaijkaan ay ku xigto diiwaan gelinta cod-bixiyaha iyo samaynta goobihii ay cod-bixintu ka dhici lahayd.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalku ku ammaannay heerka wanaagsan ee ay soo gaarsiiyeen hanaanka hir-gelinta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan hawsha ay qaranka u hayaan si awoodda dalka loogu celiyo gacanta shacabka Soomaaliyeed ayna shacabku u doortaan hogaanka ay doonayaan in uu aayahooda ka taliyo.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo diyaarinaya buug loogu tala galay wacyi-gelinta cod-bixiyaha oo la tashiyo badan lasoo sameeyay dhammaan dhinacyada ay khusayso ka qayb qaadashada fududaynta doorasha iyo talo ku daridda, ayaa maanta kulan Muqdisho ugu qabtay xisbiyada dalka, si ay uga uruuriyaan xisbiyadad talooyinka ay ku darayaan buugga ugu dambeynna loo helo hannaan wacyi-gelineed ay isla ogolyihiin dhammaan daneeyaasha doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda ayaa sheegay in sidii horay ummadda Soomaaliyeed uu ugu ballan qaaday madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, madaxda qaranka ay ka go’antahay in doorasho qof iyo cod ah dalka ay dhacdo sanadka 2020-ka.

Barnaamijka wacyi-gelinta cod-bixiyaha waxa uu ku hagayaa madawaadiniinta Soomaaliyeed fahamka dhammaan hanaanka ay codkooda u dhiiban lahaayeen si ay go’aan uga gaaraan hogaamiyaasha dalka ee mustaqbalka.

Previous Post

Raiisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa oo xalay casho sharaf loogu sameyeey Garoowe+sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarumo ay Dowladda Ereteriya ka fulineyso mashaariic horumarineed.+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarumo ay Dowladda Ereteriya ka fulineyso mashaariic horumarineed.+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarumo ay Dowladda Ereteriya ka fulineyso mashaariic horumarineed.+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In