Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho “Muqdisho waa Caasimadda Afrika ugu horreysa Xoriyadda Hadalka” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho “Muqdisho waa Caasimadda Afrika ugu horreysa Xoriyadda Hadalka” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Ogosto 1, 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayey muuqaal baahiyaha Dalsan TV ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed maalgashiga mugga weyn ee ay ku sameynayaan Caasumadda.

 

Related posts

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xarumaha warbaahinta ee ku soo kordhaya Gobolka Banaadir ay markhaati muuqda u yihiin hannaanka dimquraadiyadda iyo xuriyatul qowlka ee ka jira Gobolka.

“Saxaafaddu waa indhaha bulshada, waxaa waajib ku ah in ay mudnaanta siiyaan soo gudbinta baahiyaha iyo dhibaatooyinka ay qabaan bulshadu, iyadoo maanka lagu hayo ilaalinta midnimada, wada jirka iyo xasilloonida shacabka, maadaama magaalada Muqdisho ay tahay Caasimadda Afrika ugu horreysa Xoriyadda Hadalka.”

Guddoomiye Yarisow ayaa kula dardaarmay warbaahinta ka hawl gasha Gobolka Banaadir in ay dadaal dheer geliyaan faafreebka iyo turxaan bixinta xogta ay u gudbinayaan bulshada, iyadoona laga fogaanayo baahinta macluumaadka aan xaqiiqada ku saleysnayn.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu si buuxda u damaanad qaadaya ilaalinta xornimada saxaafadda annagoo ka duuleyna xuquuqda dastuuriga ah iyo sharciyada dalka u dagsan, waxaana naga go’an in aan kor u qaadno tayada suxuufiyiinta si Ay u tabiyaan Warar iyo Barnaamijyo la hubiyey xaqiiqda dhabta ah” Ayuu yiri Eng.Yarisow

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu hambalyeyay Maamulka Warbaahinta Dalsan tallaabada ay ku ballaariyeen adeeggooda warbaahineed, waxa uuna kula dardaarmay in ay dardar geliyaan kaalinta kaga aaddan ilaalinta wada-jirka shacabka, ammaanka iyo horumarka Gobolka.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Dhageyso: Colaad ka jirtay deegaanno hoostaga Degmada Matabaan oo laga heshiiyay

Next Post

Saddex qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo ka dhacay caasimadda Zimbabwe ee Harare

Next Post
Saddex qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo ka dhacay caasimadda Zimbabwe ee Harare

Saddex qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo ka dhacay caasimadda Zimbabwe ee Harare

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

May 19, 2026
0

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa shaaciyay isku aadka isreeb-reebka heerka Groupyada ee tartanka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo munaasabad weyn...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In