Sunday, June 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo daah furay Dood-Cimiyeed loogu magac daray doodaha xagaaga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo daah furay Dood-Cimiyeed loogu magac daray doodaha xagaaga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariihdu tahay 3 Agust 2018 waxaa uu magaalada Garoowe ka daahfuray Dood-Cilmiyeed loogu magacdaray Doodaha Xagaaga.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

June 21, 2026
Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

June 21, 2026

Madaxweynaha Puntland waxaa ku wehelinayey daahfurka barnaamijkan Ra’iisul-wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, qaar kamid ah golayaasha dowlad Goboleedka Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo xeel dheerayaal ka qayb qaadanaya dooda.

Dood-Cimiyeedkan oo loogu magacdaray doodaha Xagaaga (Summer Dialogues) ayaa waxaa qabashadiisa iska kaashaday Diakonia iyo Sidra, iyadoo madasha la isugu keenay dad aqoonyahanno ah oo ay dhex mari doonto dood cilmiyeed ku saabsan puntland iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxii u qabsoomay.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiima ka jeediyey madashaasi ayaa waxaa ka mid ahaa hadalo kooban uu jeediyey,-

“Waan idin salaamayaa dhammaantiin ee uu ugu horreeyo Ra’iisul-wasaare kuxigeeka iyo Gudoonka Baarlamaanka, waana ku faraxsanaha inaan kasoo qayb galno dood cilmiyeedkan runtii loo baahnaa, waan u mahadnaqaynaa Sidra oo soo qaban qaabisay oo fikirka nala wadaagtay, dabadeedna aan ku raacnay  iyo intii dhaqaale ku bixisay mashruucani inuu hirgalo, kaqayb galayaasha dood cilmiyeedka iyo intiina furitaanka kasoo qayb gashayna aad baa u mahadsantihiin” ayuu yiri Cabdiweli Gaas oo hadalkiisa ku daray “Puntland 20 sano bay jirsatay waxaan ka sheekeenaynaa quruxdii iyo wanaagii, lakiin dadbaa wanaageeda lahaa aasaasideeda lahaa in badanoo ka mida waa ay geeriyoodeen aan u duceyno, ilaahay janadii haka sawaabiyo meel wanaagsan bay nooga tageen, waana lagu xasuusan doonaa dhammaantood ama isimo hanoqdeen, ama dad shacab caadiya hanoqdeen, ama madaxdii dalka soo martay hanoqdeen, Allaha u naxariisto dhammaantood”.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marlabaad tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii Marxuum Cabdifataax Maxamed Cali iyo Marxuum Axmed Maxamed Doolaal oo ahaa siyaasiyiin reer Puntland ah oo ku geeriyooday qarax lala beegsaday, xili ay ku sugnaayeen Degmada Buuhoodle.

–DHAMMAAD–     

Previous Post

Wacyigelin ku aadan dhismaha golaha deegaanka oo lagu qabtay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore...

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo loogu magac daray “Mahadsanid Madaxweyne” oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa lagu...

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay munaasabadda daahfurka mashaariicda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In