Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho “Waxaan rajeynaynaa in Ciidanka Boolisku ay ka soo dhalaalaan Masuuliyadda adag ee ku aaddan Amniga Caasimadda”+Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho “Waxaan rajeynaynaa in Ciidanka Boolisku ay ka soo dhalaalaan Masuuliyadda adag ee ku aaddan Amniga Caasimadda”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ku saabsan isku dhafka ciidammada ammaanka Caasimadda, iyadoona cutubyo ka-tirsanaa Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA lagu biiriyey Taliska Booliska Soomaaliyeed ee sugaya amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in ay kaalintooda ka qaataan ilaalinta ammaanka iyo xasilloonida, taas oo horseedday in laga hortago falal arxan darro ah oo ay maleegayeen argagixisadu, gacantana lagu soo dhigo dhagar-qabeyaal khatar ku ahaa nolasha shacabka.

Related posts

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

April 21, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

April 21, 2026

“Booliska Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin shaqo hufnaan iyo in ay saaxiib dhow la yihiin bulshada. Waxaan rajeynaynaa in ay ka soo dhalaalaan shaqada adag ee loo igmaday, taas oo ay indhaha ku hayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.”

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay ciidanka amniga caasimadda in ay mudnaanta siiyaan sidii ay ugu fududeyn lahaayeen bulshada isu-socodka, uguna dulqaadi lahaayeen caqabad kasta oo culeys ku keeni karta nolashooda iyadoona la gudanayo waajibaadka kale ee la xiriira ammaanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Soomaaliyeed dadaallada joogta ah ee ay ku xaqiijinayaan amniga bulshada, dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidanka Booliska oo horseedaysa horumar deg deg ah oo laga gaaro ammaanka guud ee dalka.

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Jaamacadaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta+Sawirro

Next Post

Howlgal lagu soo qab qabtay hub iyo dad lala xiriiriyey Al-shabaab oo laga sameeyey Muqdisho+Sawirro

Next Post
Howlgal lagu soo qab qabtay hub iyo dad lala xiriiriyey Al-shabaab oo laga sameeyey Muqdisho+Sawirro

Howlgal lagu soo qab qabtay hub iyo dad lala xiriiriyey Al-shabaab oo laga sameeyey Muqdisho+Sawirro

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

April 21, 2026
0

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kirgistaan, Mudane Sadyr Japarov, isagoo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

April 21, 2026
0

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

April 21, 2026
0

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee sanadkaan ayaa ka qabsoomay Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi, iyadoo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta Dalka

April 21, 2026
0

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In