Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo dilkii Maxamed Maxamuud Sheikh Cali oo ahaa Wiil dhalinyaro ah oo Hal-abuuray Ganacsiyo mira dhalay oo ka hirgalay magaalada Muqdisho.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney soo dhoweyneyso kacdoonka iyo diidmada ay sameeyeen dhalinyarada,waxayna sidoo kale balan qaaday iney wax badan ka qabaneyso dalabkood ku aadan in cadaaladda la horkeeno dhagar qabayaashii dilka geystay.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka Mudaaharaadeen iyagoo diidan dilalkaasi foosha xun ee gaadmada ah ee Bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala gedisan lagula kaco.
Wuxuu sheegay Mudane Daahir Maxamuud Geelle,in markii fal dambiyeedku dhacay ka dib Dowladda Federaalka ay dabagal ku sameeysay,waxaana dabagalkaasi lagu helay kooxihii falka dilka ah u geystay Alle ha u naxariistee Maxamed Maxamuud Sheikh Cali.
” Tv-ga waxaad ka fiirsan doontaan muquaalo kala gedisan oo muujinaya dadaalka Dowladda Soomaaliya ay sameysay ka hor fal danbiyeedkii lagu dilay Maxamed Maxamuud Sheikh Cali, oo Dowladda intey Rakibtay duubtay oo Kaamirooyin ay qabteen iyo danbiga markuu dhacay ka bacdi, Dowladda iney sameysay dabagal dabagalkaasina dhaqar qabayaashii lagu helay,markii ay isku dayeen iney goobta ka baxsadaana Ciidamada Amnigu ay howshooda ka qabsadeen, idin lama wadaagi karno muuqaalka meydkiisa waayo aqlaaqiyaadka saxaafadda ayay ka soo horjeedaa laakiin waxaan idinla wadaagi karnaa cadeymo kale oo kala gedisan ay ciidamada Amnigu ay ka soo qabteen goobta, qalabkii danbiga ay ku galeen ha noqoto hubkii iyo wixii la halmaala, gaarigii maalintii dilka ay ku fulinyeen iyo kii iyaga markii danbe ay go’een ha noqoto iyo cadeymo kale oo fara badan,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle.
Ugu danbeyntii,Dowladda Federaalka ayaa Jawaab muuqata ka bixisay dalabkii dhalinyarada maanta banaanbaxa ka dhigay Muqdisho ee ahaa in Madaxda Dowladda Jawaab deg deg ah ka bixiyaan dilkaasi,sidoo kalena ay cadaaladda horkeenaan dhagar qabayaashii ka dambeeyey