Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Jaamacadda Caalamiga Afrika Ee Dalka Suudaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Jaamacadda Caalamiga Afrika Ee Dalka Suudaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khartuum, August 6, 2018 –– Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo booqday xarunta jaamacadda Caalamiga Ee Afrika ee magaalada Khartuum oo ay wax ka bartaan ardaya Soomaaliyeed ee ugu badan ee dalkaas waxbarashada u jooga, ayaa kula kulmay madaxda jaamacadda iyo xubna kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ee jaamacadda wax ka barta.

 

Related posts

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

December 2, 2025
Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025

Guddoomiyaha jaamacadda caalamiga ee Afrika Kamal Obeid iyo xubna kamid ah maamulka la shaqeeya ayaa Ra’iisuul wasaare Khayre iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay xarunta jaamacadda, waxa ayna uga mahad celiyeen booqashada uu ugu tegay iyaga oo uga war-bixiyay xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa jaamacadda caalamiga ee Afrika, jaamacadaha kale ee dalkaas iyo dawladda Suudaan uga mahadceliyay taageerada waxbarasho ee joogtada ah, waxa uuna si gaar ah u xusay in Suudaan ay kamid tahay dalalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka taageera waxbarashada kadib burburkii dawladdii dhexe.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda uga xog-waramay xaaladda dalka, rejada soo kabashada, horumarrada muuqda iyo qorshaha la doonayo in lagu laba jibbaaro dadaalada lagu soo celinayo sharafka iyo Karaamada ummadda Soomaaaliyeed, isaga oo ku dhirri geliyay in ay dawrkooda ka qaataan dib u soo kabashada dalka, ayna ixtiraam iyo hab-dhaqan wanaagsan u muujiyaan shacabka iyo dawladda Suudaan.

“Waxa aad tihiin safiirradii dalkeenna, shacabka iyo dawladda Suudaan u muujiya ixtiraam, walaaltinimo, dhaqan wanaagsan, waxaa aad sidoo kale la idinka doonayaa in aad ka qayb qaadtaan dhismaha iyo dib u soo kabashada dalkeenna. Aqoontiina waa in aad dadka iyo dalka Soomaaliyeed uga faa’iidaysaan” ayuu yiri ra’iisul Wasaare Khayre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta madaxtooyada Suudaan kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada ee dalka Suudaan Bakri Xasan Saalax oo ay ka wada hadleen xariirka walaatinnimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyo sii adkeynta xariirkaasi.

 

–DHAMMAAD—-

Previous Post

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka “ Wax badan ayaan ka qabtay arrimaha Musuq Maasuqa” SAWIRRO

Next Post

Tirada dhimashada dhul gariirkii Jasiirada Lombok, Indoniisiya oo sii kordheysa

Next Post

Tirada dhimashada dhul gariirkii Jasiirada Lombok, Indoniisiya oo sii kordheysa

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

December 2, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qeybgalay kullanka sanadlaha ah ee Madasha Guddoomiyayaasha...

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In