Saturday, August 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Maaliyadda ee G/Shacabka oo la kulmay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga Maaliyadda ee G/Shacabka oo la kulmay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJF Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska ay Guddiga Maaliyadda ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Related posts

Hay’adda NISA oo war kasoo saartay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Hay’adda NISA oo war kasoo saartay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

August 15, 2026
Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan oo laga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan oo laga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo

August 15, 2026

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada Xafiiskiisa.

Hanti dhowraha ayaa sidoo kale guddiga ugu warbixiyay howlaha la xisaabtanka iyo ka hortagga Musuq maasuqa ee uu ku sameynayo hay’addaha dowladda.

“Xafiiskeyga howlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xiran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha Dowladda oo arrimo Musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena wa ku daba jirnaa”. ayuu yiri Hanta dhowraha Qaranka.

“ Sidoo kale waxa idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. ayuu yiri hanti dhowraha qaranka.

Hanti dhowraha Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga Maaliyadda ka codsaday iney kala shaqeeyaan meel marinta sharciga Hanta dhowrka oo Golaha wasiirada ay ansixiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Aadan Macalin oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu wado Hanti dhowrha, sidoo kale waxa ay ka codsadeen inuu sii laba jibaaro howlaha la xisaabtanka.

“ Aad baa u bogaadinaya howsha wanaagsan ee ka socota xafiiska hanta dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga hanta dhowraha wa ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah wa ku biirineynaa”. ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kullamada Guddiga uu la yeelanayo hay’addaha iyo Guddiyada Madaxa banaan ee shaqo wadaaga ay yihiin.

Previous Post

Maamule KMG ah oo loo magacaabay Furdada Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho+Sawirro

Next Post

Aqoon isweydaarsi looga hadlayay ilaalinta Xuquuqda Carruurta oo lagu qabtay Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post
Aqoon isweydaarsi looga hadlayay ilaalinta Xuquuqda Carruurta oo lagu qabtay Dhuusamareeb+Sawirro

Aqoon isweydaarsi looga hadlayay ilaalinta Xuquuqda Carruurta oo lagu qabtay Dhuusamareeb+Sawirro

Hay’adda NISA oo war kasoo saartay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Hay’adda NISA oo war kasoo saartay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

August 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Warciise,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan oo laga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan oo laga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo

August 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Danjire Axmed Jaamac Cumar Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doonaa dalka Sudan ayaa noqday safiirkii ugu horeeyey ee...

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In