Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo gaba gabeyey la xisaabtanka sanadlaha ah ee Wasiirada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 20, 2018
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo gaba gabeyey la xisaabtanka sanadlaha ah ee Wasiirada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo gaba gabeeyey wajiga  labaad ee Barnaamijka  uu kula xisaabtayey xubnaha Golaha Wasiirada  ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 16, 2025

Wasiiradda maanta Ra’iisul Wasare Khayre uu shaqsi shaqsiga ula xisabtamay ayaa kala ah, wasiirKa Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka  Shaqada iyo Arrimaha bulshadda, Wasiirka  Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Amniga, iyo Wasiirka  Ganacsiga iyo Warshadaha  , isagoo  Wasiir kasta  oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo Wasiirada ku cusub Xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorshe hawleedkooda.

Wasiirrada ayaa  Ra’iisul Wasaaraha usoo bandhigay waxyabaha u qabsoomay  iyo qorshe hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsoomay.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Xaamud ayaa  warbaahinta Qaranka u sheegay in isla xisaabtanku uusan ku ekayn kaliya Wasiirada balse cid kasta lala xisaabtami doono  oo dowladda mas’uuliyad u haysa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay Wasiirrada si ay isula ogaadaan qorshe hawleedka Wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka yahay howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka Wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha Xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, Hufnaan iyo Daah-furnaan.

 

Nasra Bashir Cali

Previous Post

Maamulka G/Banaadir oo qalabka naafada u qeybiyey qaar ka mid ah dadka Naafada ah “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada Amniga oo xabsiga dhigay shaqsi sheegtay Taliyaha NISA ee Jubbaland

Next Post
Ciidamada Amniga oo xabsiga dhigay shaqsi sheegtay Taliyaha NISA ee Jubbaland

Ciidamada Amniga oo xabsiga dhigay shaqsi sheegtay Taliyaha NISA ee Jubbaland

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandoosta Gorgor, ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga,...

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: 1-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska diiwaan geliyay mid ka mid ah goobaha codbixiyeyaasha doorashada ee Degmada...

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In