Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kooxaha Fanka ee Heegan iyo Onkod oo shacabka kala qeyb galay dabaal degga maalinta labaad ee Ciidul Adxa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 22, 2018
in Wararka
0
Kooxaha Fanka ee Heegan iyo Onkod oo shacabka kala qeyb galay dabaal degga maalinta labaad ee Ciidul Adxa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaaladda Muqdisho, ayaa Maalintii labaad waxaa looga dabal dagayaa munaasabada  Ciidul adxaa, waxaana wadooyinka iyo goobaha la isugu yimaado sida xeebta Liido lagu arkayaa dad weyne aad u fara badan oo dhamaashaadaya.

 

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliska iyo Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta, ayaa ka qeyb qaatay dabaal degga maalintii labaad ee Ciidul Adxaa, waxaana bandhig faneed guubaabo ah ay ku qabteen Beerta Nabadda, Xeebta Liido iyo meelo kale oo ay isugu yimadeen kumaman shacab ah oo  ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Bandhig faneedka ay sameeyeen Kooxaha Fanka ee heegan iyo Onkod, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeyo guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” masuuliyiin ka socday maamulka Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo labaduba kormeeray goobaha ay isugu yimaadeen dadweynaha, ayaa sallaan la dhex qaaday shacabkii halkaasi ku sugnaa, iyaggoo la qeybsaday farxadda Munaasabadda Ciidul Adxaa.

Madaxa hoggaanka wacyi gelinta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle sare C/rashiid Cismaan Colod, ayaa sharaxay u jeedka barnaamijkaan, waxaana uu xusay inay ugu gol leeyihiin is dhex galka Ciidanka iyo Bulshadda.

Qaar kamid ah dadkii ku sugaa Beerta Nabadda iyo Xeebta liido oo la hadlay warbahiinta Qaranka, ayaa sheegay inay  aad ugu faraxsan yihiin in ay la dabaldagaan Ciidamada Qaranka, taasina ay u ifneeyso hormarka dawladnimada.

Previous Post

Taliyaha cusub ee Ciidanka Ilaalada Badda oo xilka la wareegay

Next Post

Rasul wasaaraha Australia Mr Turnbull oo ay Xubno ka tirsan xisbigiisa  ka so horjeestay

Next Post
Rasul wasaaraha Australia Mr Turnbull oo ay Xubno ka tirsan xisbigiisa  ka so horjeestay

Rasul wasaaraha Australia Mr Turnbull oo ay Xubno ka tirsan xisbigiisa  ka so horjeestay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In