Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Itoobiya oo xakamaysay rabshadihii Jinsi faquuqa ahaa ee ka dhexeeyay Soomaalida iyo Oromada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 23, 2018
in Wararka
0
Itoobiya oo xakamaysay rabshadihii Jinsi faquuqa ahaa ee ka dhexeeyay Soomaalida iyo Oromada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigay in ka badan 170 Qof oo ka mid ahaa Dadka rabshadaha isirka ku salaysan ka wada Gobolka Oromada sida ay sheegtay Warbaahinta codka Ciidamada ee FANA.

Saraakiisha amniga Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in tuhmanayaasha lagu eedeeyay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhiirigelinta rabshadaha, Dhul boobka sharci-darrada ah , bililiqaysiga iyo weerarrada jinsiga ku salaysan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025

Gobolka Oromiya ayaa xuddun u ahaa kacdoonno iyo mudaharaadyo rabshada wata oo Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay ka taagnaa Dalka Itoobiya, markii ay saluug ka muujiyeen siyaasaddii xukuumadihii hore, dibed-baxyadaasoo keenay inuu is casilo Ra’iisul wasaare , Hailemariam Desalegn.

Tan iyo markii uu Xafiiska qabtay Ra’iisul wasaare , Abiyah Axmed Cali, Abriil 2018 , waxaa Dalka iyo siyaasadda Gobolkaba ka bidhaamay is beddel siyaasadeed oo ka duwan kuwii isaga ka horreeyay, maaddaama uu kasoo baxay Qoomiyadda Oromada oo tacaddiyo badan ka tirsanaysay maamulladii hore.

Sida laga soo xigtay hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka iyo kuwa Qaramada Midoobay, in ka badan 800,000 oo Qof ayaa ka qaxay rabshadihii ka socday inta u dhexeysa Gobollada Oromada iyo Soomaaliya ee koonfurta waddanka Itoobiya Bishii hore oo keliya.

Abiy Axmed oo diiradda si weyn ugu hayay degaanka Soomaalida Itoobiya ahmiyad gaar ahna siiyay ayaa wuxuu kaalin mug leh ka qaatay xasilinta iyo xal u helidda dhibaatooyinka kala duwan ee halkaasi ka jiray, wuxuuna amray in tallaabbo laga qaado ciddii isku dayda in ay qalalaase ka abuurto Gobolka gaar ahaan xudduudda ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromada.

Previous Post

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay

Next Post

Safiirka Shiinaha: Waxaan kordhinaynaa taageerada aan siinno Soomaaliya

Next Post
Safiirka Shiinaha: Waxaan kordhinaynaa taageerada aan siinno Soomaaliya

Safiirka Shiinaha: Waxaan kordhinaynaa taageerada aan siinno Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In