Munaasabad lagu xoojinayo Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed aynna ka qeybgaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho.
Munaasabadda oo ahayd mid lagu sagootinayay ciidda ayaa waxaa xalay lagu qabtay xarunta Degmada Kaaraan, taasi oo ay ka qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha Degmadaasi.
Fanaaniinta Hobollada Qaranka ee Waaberi ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan iyo dhaqanka Soomaalida ah, iyadoo intii ka qeyb gashay ay aad ula riyaaqeen.
Dadkii ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin munaasabadda lagu xoojinayay Hidaha iyo Dhaqanka.
Cabdifataax Nuur Cali Yaanyo ayaa munaasabadda ciida awgeed ugu baaqay shacabka Degmada inay ka qeyb qaataan horumarka deegaankooda, isagoo uga mahadceliyay ka soo qeyb galayaasha xafladda lagu xoojinayo Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.