Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladda qalin jabinta dufacadda 3aad ee Jaamacadda Jamhuuriya oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Xafladda qalin jabinta dufacadda 3aad ee Jaamacadda Jamhuuriya oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ballaaran oo loogu dabaal degayey qalin jabinta 308 arday oo dhamaysatay heerka koowaad tacliinta sare ee Jaamacadda Jamhuuriya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf kala duwan oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiinta dowladda. gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, bahda Waxbarashada, waalidiinta ardayda iyo Mas’uuliyiinta Jaamacadda Jamhuuriya.

Agaasimaha Waaxda Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Dr. Cabdishakuur Sheekh Xasan Fiqi oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa u hambalyeeyey ardayda maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Jamhuuriya.

Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng. Maxamuud Axmed Jimcaale ayaa dhankiisa dareenka hambalyada farxadda qalin badalasha ardayda la wadaagay, isagoo sheegay in ardayda qalin jabisay ay ka kooban yihiin 308 arday oo ka kala tirsan dhamaan kuliyadaha ugu waaweyn ee Jaamacadda Jamhuuriya.

Qaar kamid ah arday maanta xafladooda qalin jabinta loo dabaal dagayey ayaa dhankooda muujiyey dareenkooda farxadeed ee ku aadan in ay shahaadada heerka koowaad ee digriiga ka qaataan Jaamacadda Jamhuuriya, iyaga oo u mahadceliyey waalidiintooda iyo macalimiintoodii u soo dhabar adeegay muddadii ay Waxbarashada soo wadeen.

Waa dufacaddii saddeexaad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Jamhuuriya of Science and Technology.

Previous Post

Xaaladda Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jirta Xabsiyada Libiya oo laga warbixiyay

Next Post

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Qaranka ee Ciyaaraha “SAWIRRO”

Next Post
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Qaranka ee Ciyaaraha “SAWIRRO”

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Qaranka ee Ciyaaraha “SAWIRRO”

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In