Maalin farxadeed ayay u ahayd Jaamacadda Soomaaliya kaddib markii ay ka qalin jabiyeen arday gaaraysa 1,379 arday oo bartay kuliyadaha Culuumta Aadanaha, Maamulka Ganacsiga , Caafimaadka iyo Kuliyadda cabiraadka cilmiga Kombiyuuterka.
Prof. Maxamed Axmed Macalin Guddoomiyaha Golaha Sare Jaamaacadda Soomaaliya ayaa munaasibada qalin jabinta ka hadlay waxa uu sheegay in Jaamacadda maamulkeeda ay ku dadaalayn kor u qaadidda tayada Waxbarashada ardayda si ay u noqdaan kuwa isugu filan.
“Jaamacado dalka dibada ku yaala ayaan ku casuunay xarunta Jaamacadda si wax looga ogaado tayada Jaamacadda Soomaaliya, qabiiro ka kala socdo Jaamacado kala duwan ayaa u hambalyeeyay madaxda Jaamacadda Soomaaliya waxayna sheegeen in tayada Jaamacadda ay tahay mid heer sare ah” ayuu yiri Prof. Maxamed Axmed Macalin
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow ) ayaa sheegay in ay u heelan yihiin ayna garab taagan yihiin ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Soomaaliya.
“Ardayda qalin jabisay waan garab taaganahay, Hambalyo ayaan u dirayaa ardayda iyo madaxda dhidibada u aastay, una dabar adeegtay Jaamacadda Soomaaliya” ayuu yiri Eng, Yariisow.
Senator, Saciida Xasan Cismaan iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka ah Daahir Cabdullaahi ayaa dhankooda sheegay in ardaydan ay xilli adag wax ku barteen dalkooda, tayada Jaamacadahana ay aad u wanaagsan yihiin ayna jiraan arday ka baxday Jaamacadaha ku yaala dalka ay haatan ka shaqeeyaan xarumaha dowladda Soomaaliya
Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS ayaa sheegay in warbixinta ay maamulka Jaamacadda Soomaaliya ka soo jeediyeen goobta ay tahay mid wanaagsan, maadaama arday ka mid ah kuwo horay uga qalin jabiyay Jaamacadda ay shirkado dalka ka abuureen.
“Hambalyo ayaan u dirayaa ardayda, Macalimiinta iyo Maamulka Jaamacadda Soomaaliya 1,379 ka arday ee qalin jabisay waxaan lee yahay horay u socda, kordhiyana abuurista shaqooyinka si shaqooyin ay uga helaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Gaba gabadii munaasabadda ayaa masuuliyiintii ka socotay Dowladda iyo Jaamacadda Soomaaliya waxa ay halkaasi shahaadooyinkooda ku guddoonsiiyeen Ardaydii kaalimaha hore ka galay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.