Saturday, November 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo hub casri ah ka iibsanaya Russia

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo hub casri ah ka iibsanaya Russia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu heli doono waqto dhow hanaanka gentaalada difaaca ee loo yaqaano S-400 ka dib heshiis ay wada galeen dalka Russia.

Isaga oo ka hadlayay xaflad qalin jabin ah oo loo qabtay saraakiil, ayuu hadalkan ka sheegay gobolka waqooyiga galbeed ku yaala ee Balikesir.

Related posts

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

November 1, 2025
Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

November 1, 2025

Erdogan ayaa intaa ku daray in Turkiga oo ku howlan yahay ilaalinta danahiisa gudaha iyo gobolka iyo ka hor tagida kuwa raba in ay danahooda ku jaangooyaan arrimaha gobolka.

Decembertii la soo dhaafay ayaa Turkiga iyo Russia ay ku heshiiyeen in laga iibiyo labo hanaan gentaal difaaca ee S-400 ka hor sanadka 2020.

Bisha April ee sanadka soo aadan ayaa labada dhinac isku afgarteen in qeybta ugu horeysay la keeno Turkiga

Hanaanka gentaalada difaaca S-400 ayaa ah kan ugu horumarsan ee difaaca cirka, waxaana uu awoodaa in uu burburiyo bartilaameedyada, gentaalada  ballistic loo yaqaano iyo kuwa lagu magacaabo  cruise missiles.

Bishii June, golaha Senate-ka Mareykanka ayaa hor istaagay qorshe Turkiga Mareykanka kaga soo iibsan lahaa diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano F-35, ayagoo ka dooday in Turkiga hanaanka gentaalada  S-400  Russia ka soo iibsanayo iyo xariga muwaadiniinta Amerikaanka ah ee Turkiga.

Labadan dal ee ku wada jira xulada NATO, ayaa xiisad siyaasadeed soo kala dhex gashay ka dib markii Baadari Mareykanka ay lagu xirey Turkiga kaas oo lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay kooxda PKK ee Kurdiyiinta ah iyo wadaadka dibad jooga ah e Fatxulah Gulen.

Mareykanka ayaa talaadaas kaga jawaabay cuna qabateyn dhaqaale oo ay ku soo rogay Turkiga taas oo keentay in qiimaha lacagta Lira ee Turkiga oo hoos u dhac balaaran soo wajaho.

Previous Post

H.E President Farmajo holds bilateral talks with H.E Xi Jinping

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Shirkadaha Ganacsi iyo kuwa Dhaqaalaha ee Dalka Shiinaha

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Shirkadaha Ganacsi iyo kuwa Dhaqaalaha ee Dalka Shiinaha

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Shirkadaha Ganacsi iyo kuwa Dhaqaalaha ee Dalka Shiinaha

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MASAR):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee dalka Masar,...

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xaq u dirirka deegaanka ee ka howlgala degmada Mahadaay ayaa saakay howlgal qorsheysan ku dilay, horjoogihii Khawaarijta...

Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):- Guddiga is diiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa maanta si rasmi ah uga hawl bilaabay degmada Waajid ee...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In