Wednesday, August 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta “Soomaaliya waxay ka shaqaynaysaa in la dhameeyo Colaada Jabuuti iyo Eritrea” Dhageyso

admin by admin
September 6, 2018
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta “Soomaaliya waxay ka shaqaynaysaa in la dhameeyo Colaada Jabuuti iyo Eritrea” Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daahir Maxamuud Geelee oo ayaa faah-faahin ka bixiyay shirka seddax geesood ah ee u dhexeeyay Madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya, kaasi oo ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

 

Wuxuu sheegay Wasiirka in Madaxda wadamadaan dariska ah ay shirkooda diiradda ku saareen wax wada qabsi iyo sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi buuxa, iyadoo ugu danbayntiina hoggaamiyaasha ay kala saxiixdeen heshiis ka kooban Afar qodob.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sidoo kale sheegay in wasiirka Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Eritrea iyo Itoobiya ay ku sii jeedaan Waddanka Jabuuti, iyagoo halkaasi u tagaya sidii loo soo afmeeri lahaa colaada muddada dheer u dhaxaysay waddamada Jabuuti iyo Eritrea.

“Dadaaladaan lagu dhamaynayo colaada wadamada Eritrea iyo Jabuuti waxay ka soo bilawdeen safarkii hore ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Eritrea, ka dibna uu tagay dalka Jabuuti isagoo la wadaagay wadahadaladii Asmara iyo mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aadan dhamaynta colaada labadaan dal.” Ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Geele.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/09/Wasiiiiiiiiiiiiiiiiirka.mp3

“Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ka dhaxayeeya wax yar oo la qiimayn karo maaha, Soomaaliya waxay kaalin mugleh ku lahayd in Jabuuti ay noqoto dal madax banaan, Jabuutina waxay dhowr iyo tobankii sano ee ugu danbayeeyay ay dadaal badan ku bixisay sidii Soomaaliya ay Nabad u noqon lahayd, maanta waxaa la soo gaaray markii Soomaaliya ay celin lahayd qayb ka mid ah abaal kaas, oo ay ka shaqayn lahayd Jabuuti oo nabad hesha.” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Daahir Maxamuud Geelle

Ugu danbayntii Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in haatan la joogo waqtigii dowladaha gobalka ay ka gudbi lahaayeen kala qaybsanaanta iyo colaadaha isla markaana loo gudbi lahaa wadajir iyo kaashi.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo la kulmay xubno ka tirsan Midowga Yurub “SAWIRRO

Next Post

Shirka Golaha Wasiirada Oo Looga Hadlay Sharciga Doorashooyinka 2020 iyo Dib-u-habaynta Nidaamka Maaliyaddaa

Next Post

Shirka Golaha Wasiirada Oo Looga Hadlay Sharciga Doorashooyinka 2020 iyo Dib-u-habaynta Nidaamka Maaliyaddaa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

August 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

August 12, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In