Sunday, May 22, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada Oo Looga Hadlay Sharciga Doorashooyinka 2020 iyo Dib-u-habaynta Nidaamka Maaliyaddaa

September 6, 2018
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, September 06, 2018 –Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Cali Khayre, ayaa shir-guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo maanta looga hadlay sharciga doorashooyinka 2020-ka, dib-u-habaynta maaliyadda iyo ololaha is-xilqaan.

 

Related posts

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

May 21, 2022
Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

May 21, 2022

Ugu horrayn wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay diyaarinta sharciga doorashooyinka 2020-ka oo heer gebagebo ah maraya dhowaanna wadatashi lagala samaynayo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowlad gobaleedyada, kahor inta aan la hor-gayn golaha wasiirrada.

Wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa isna golaha uga warbixiyay qorshaha cafinta daymaha, SMP3 oo gebagebo maraya, daabacaadda Shilin Soomaaliga iyo guud ahaan qorshaha dib u habaynta hannaanka maaliyadda dalka.

Xukuummadda federaaka Soomaaliya ayaa ajandayaasheeda ugu waawayn waxaa kamid ah hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah oo sannadka 2020-ka ah ka dhacda dalka si awoodda maamulka loogu celiyo gacanta shacabka oo ay uga taliyaan aayahooda, go’aanna ay uga gaaraan hoggaanka mustaqblka.

Ugu dambayn golaha ayaa war-bixin la xariirta barnaamijka “Is-xilqaan) ka dhagaystay ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuummada, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo madax ka ah guddi loo xil-saaray dardar-gelinta ololaha is-xilqaan oo dib loogu dhisayo xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka.

–DHAMMAAD—-

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta “Soomaaliya waxay ka shaqaynaysaa in la dhameeyo Colaada Jabuuti iyo Eritrea” Dhageyso

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynihii Hore Ee Dalka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynihii Hore Ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynihii Hore Ee Dalka

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

May 21, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa caawa waxa ay howgal ka sameyeen magalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Howlgal ka ayaa...

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

May 21, 2022
0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb,...

Madaxweynaha Dalka oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Madaxweynaha Dalka oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

May 21, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

May 21, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur   (Madoobe) oo maanta kulan  la qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In