Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in 6 xarumood oo muhiim ah lagu dhisayo ololaha Isxilqaan

admin by admin
September 10, 2018
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Addis-Ababa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labo bil ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo waxa uu ku dhawaaqay Barnaamij lagu magacaabo Isxilqaan, kaas oo uu u jeedkiisa ku sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dhismaha wadanka ka qeyb qaataan.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025

Labo bil keddib dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah usoo bandhigtay qorshe qoran oo caddeynaya shaqooyinka Isxilqaan, goobaha la dhisayo, cidda ka qeybgaleysa iyo xilliga ay shaqooyinkaas qabsoomayaan.

Madaxweynaha JFS Mudane Farmaajo oo manta furayay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka ayaa ku hadaljeedintiisa inta ay socotay ku dheeraaday Barnaamijka Isxilqaan oo uu fahfaahiyay sida uu u dhici doono, waxa uuna shaaciyay 6 xarumood oo muhiim ah oo Barnaamijkan lagu dhisi doono kuwaas oo kala ah:

1 Madxafka qaranka
2 Golaha Murtida iyo wacyigelinta dadweynaha
3 Maktabadda qaranka
4 Xaruntii dhexe ee Xisbiga
5 Muqdisho Istaadiyoom
6 Cisbitaalka Banaadir

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Barnaamijka isxilqaan waa olole dadweyne oo ku dhisan iskaashi si loo dhiso dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka”.

Si loo fuliyo Barnaamijka Isxilqaan ayuu sheegay Madaxweynuhu in loo mari doono guddi heer qaran oo ka kooban wasaaradaha ku shaqada leh ee xukumadda, bulshada rayidka ah, culumada iyo ciidamada.

26 bishii Juun ee sanadkan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan waxaana daba-socday dadaalo oo codsiga Madaxweynaha kasoo Shacab iyo shaqaalo dowladeed kuwaas oo barnaamij nadaafadeed oo Isxilqaan ah ka fuliyey dhawr meelood oo ka mid ah degmooyinka Muadisho.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo: “Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham la’aanta dalalka gobolka”

Next Post

Maxay Diinta Islaamku ka qabtaa in la Qarxiyo Masaajida.? Barnaamij Gaar ah

Next Post
Al-Shabaab oo mar kale Qarxiyay Masjid ku yaala Degmada Hodan

Maxay Diinta Islaamku ka qabtaa in la Qarxiyo Masaajida.? Barnaamij Gaar ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In