Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in 6 xarumood oo muhiim ah lagu dhisayo ololaha Isxilqaan

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Addis-Ababa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labo bil ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo waxa uu ku dhawaaqay Barnaamij lagu magacaabo Isxilqaan, kaas oo uu u jeedkiisa ku sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dhismaha wadanka ka qeyb qaataan.

 

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026

Labo bil keddib dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah usoo bandhigtay qorshe qoran oo caddeynaya shaqooyinka Isxilqaan, goobaha la dhisayo, cidda ka qeybgaleysa iyo xilliga ay shaqooyinkaas qabsoomayaan.

Madaxweynaha JFS Mudane Farmaajo oo manta furayay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka ayaa ku hadaljeedintiisa inta ay socotay ku dheeraaday Barnaamijka Isxilqaan oo uu fahfaahiyay sida uu u dhici doono, waxa uuna shaaciyay 6 xarumood oo muhiim ah oo Barnaamijkan lagu dhisi doono kuwaas oo kala ah:

1 Madxafka qaranka
2 Golaha Murtida iyo wacyigelinta dadweynaha
3 Maktabadda qaranka
4 Xaruntii dhexe ee Xisbiga
5 Muqdisho Istaadiyoom
6 Cisbitaalka Banaadir

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Barnaamijka isxilqaan waa olole dadweyne oo ku dhisan iskaashi si loo dhiso dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka”.

Si loo fuliyo Barnaamijka Isxilqaan ayuu sheegay Madaxweynuhu in loo mari doono guddi heer qaran oo ka kooban wasaaradaha ku shaqada leh ee xukumadda, bulshada rayidka ah, culumada iyo ciidamada.

26 bishii Juun ee sanadkan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan waxaana daba-socday dadaalo oo codsiga Madaxweynaha kasoo Shacab iyo shaqaalo dowladeed kuwaas oo barnaamij nadaafadeed oo Isxilqaan ah ka fuliyey dhawr meelood oo ka mid ah degmooyinka Muadisho.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo: “Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham la’aanta dalalka gobolka”

Next Post

Maxay Diinta Islaamku ka qabtaa in la Qarxiyo Masaajida.? Barnaamij Gaar ah

Next Post
Al-Shabaab oo mar kale Qarxiyay Masjid ku yaala Degmada Hodan

Maxay Diinta Islaamku ka qabtaa in la Qarxiyo Masaajida.? Barnaamij Gaar ah

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir madaxeedka Africa Forward Summit, oo qayb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo...

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

May 12, 2026
0

Xeebta Baraawe waxay xambaarsantahay saakay muuqaal ka hadlaya nolol, halgan iyo rajo. Wiil yar oo garanaya qiimaha nolosha ayaa badda...

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In