Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya: 27-kii shuruudood ee ay IMF ku xirtay oo dhan wey buuxisay

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya: 27-kii shuruudood ee ay IMF ku xirtay oo dhan wey buuxisay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya ayaa la sheegay iney buuxisay dhammaan 27-ki shuruudood oo uu Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) uu ku xidhay iney buuxiso si deymaha lagu leeyahay looga cafiyo.

Wasiirka Maalilyadda ee Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo Wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxa uu uga warramay kulamo ay maalmahan iyaga iyo IMF ku lahaayeen magaalada Nairobi, waxaana uu sheegay in kulanka uu socday Toddoba maalmood.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Kulankana uu yahay mid seddexdi biloodba la qabto laguna qiimeeyo muddadaasi waxa u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

IMF-tu waxaa ay noo sheegtay ayuu yiri iney Soomaaliya wax badan u qabsoomeen beesha caalamkana ay aad u soo dhaweynayaan loona baahan yahay iney Soomaaliya geeddiga sii wado.

Lacagta cusub ee Soomaaliya goormaa la soo daabacayaa?

Sida aynu ogsoonnahay lacagtu waxay ka mid tahay astaanta dowladnimo ee lagu garto qaran kasta oo jira oo xor ah.

Dowladda Soomaaliyana waxay dadaal ugu jirtaa sidii dhawaan loo soo daabici lahaa lacagta cusub oo uu dalku yeelanayo, iyada oo ay horay wasaaradda Maaliyaddu u shaacisay lacagtu nooca ay noqoneyso.

Wasiirka Maalilyadda ee Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle mar uu arrintan ka hadlayey ayaa wuxuu sheegay “iney IMF isku afgarteen isla-markaana ay isla-meel dhigeen sidi ay isaga kaashan lahaayeen balse loo baahan yahay lacagti lagu soo daabici lahaa lacagta cusub oo muddo 3o sano kaddib uu yeelanayo dalku.”

Daabacadda, maamulidda, meel geyenta, xafididda iyo marka ay xumaatana hagaajinteeda waxay u baahan tahay ayuu yiri lacag, lacagtaas oo aan beesha caalamka ka sugeyno. Daabacadda oo keli ah waxay u baahan tahay 41 milyan oo doolar.

Waxaanna rajeeyneynaa ayuu yiri “lacagtaasi iney Soomaaliya ka heli doonta beesha caalamka”

Musuqmaasuqa oo aan la tirtirin sideey arrimahan u suuragalayaan?

Run ahaantii musuqmaasuq kama jiro dalka Soomaaliya ma dhihi karno oo waa uu jiraa balse waxaa loo baahan yahay ineynu dib u milicsanno “halka aan ka nimid iyo halka aan mareyno”.

Dadaallada ay dowladdu waddo oo ay ku cirib tieyso musuqmaasuqana waxaa loo baahan yahay iney bulshada oo dhan ay ka qayb qaadato.

Qof walba oo Soomaali ahna uu ka shaqeeyo sidi uu xalaal miirad uu u noqon lahaa haddeey ahaan lahayd Ganacsato, Mas’uul iyo Shaqaalo dawladeed intaba.

Waxa ay Soomaalida u taqaanno ‘howl fududeyn’ oo ah musuqa ugu ballaadhan ee Soomaaliya ka jira sidi aan u baab’in laheen waa iney cid walba kaalinteeda ka qaadataa.

Dowladdu dadaallada ay ku tirtireyso oo aad u badan waxaa ka mid ah iney mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iney xilka kaga qaadday qaarkoodna ay sharcigaba hor geeysay.

laakiin waxaan jecelahay inaan halka ka sheego iney dowlad keligeed wax qaban karin haddi ay shacabka dawladda dadaalkeeda ku garab gelin.

Deymihi Soomaaliya lagu lahaa cafintooda halkeey marayaan?

Soomaaliya sida aan Ogsoonnahay waxaa lagu leeyahay deymo badan si deymahaasi faraha badan looga cafiyana waxaa jiro shuruudo looga baahanyahay iney buuxiso dowladihi iyo hay’adihi deymaha ku lahaa laftooda iney waafaqaan qorshaha aan damacsannahay.

Ka dowlad ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarahaba dowlado iyo hay’do badan ayay arrinta deynta kala hadleen ballan qaadyana Soomaaliya wey haysataa marka waxaan rajeeynayaa iney wax badan inoo qabsoomi doonaa.

Xigasho BBC

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo New York uga qeyb gali doona Fadhiga guud ee Qaramada Midaabay

Next Post

Hay’adda (IMF) oo sheegtay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa

Next Post
Hay’adda (IMF) oo sheegtay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa

Hay’adda (IMF) oo sheegtay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In