Saturday, August 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir Wadatashi ah + sawirro

admin by admin
September 25, 2018
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir Wadatashi ah + sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo soconaya laba-maalmood waxa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ay la tashi kala sameynaysa Maamulka iyo qeybaha bulshada gobolka Banaadir diyaarinta hannaanka dib u heshiisiinta Qaranka.

Shirka qeybtiisa koowaad ee maanta furmay waxa Wasaaradda la-tashi la sameynaysa madaxda iyo dadka ka shaqeeya hey’adaha  dowliga ah ee gobolka Banaadir, halka maalinka berri ah wadatashiga ay la yeelan doonto  qeybaha bulshada ee gobolka sida uu sheegay agaasimaha guud Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud.

Related posts

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025

La taliyaha Ra’iasalwasaaraha ee arrimaha dib u heshiisiinta Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow oo ka hadlay shirka waxa uu sheegay in  muhiim tahay in la daadajiyo wadatashiyada diyaarinta hannaanka Qaran ee dib u heshiisiinta dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir  Maxamed Cabdulaahi Tuulax  waxa  uu tilmaamay in gobolka uu soo dhaweynayo in wadatashiyo lala sameeyo dadka caasimadda.

“Waan soo dhaweynaya wadatashigaan diyaarinta hannaanka Qaran ee dib u heshiisinta, anaga gobolka Banaadir ahaan Ahmiyad weyn ayay noo leedahay dib u heshiisiinta waayo hadii ay caasimadu hagaagto dalkoo dhami waa hagaagayaa maadaama ay tahay muraayada dalka” ayuu yiri guddoomiye Tuulax

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo furay shirka  waxa uu sheegay hannaanka dib u heshiisiinta Qaranka sanadkii tagay uu soo biloowday haatana uu marayo waqtigii la tashiga bulshada lagana bilaabay bulshadda gobolka Banaadir.

“Sanadkii tagay 2017 bishii June ayuu soo biloowday wadatashiga hanaanka dib u heshiisiinta dalka wax badan ayaa nooga qabsoomay hada waxaan galnay la tashiga bulshada oo aan ka biloownay dadka gobolka Banaadir si aragtidooda loogu daro  hannaankani” ayuu yirri Wasiir Sabriye

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa intaa ku daray in wasaaradiisa ay ku dadaalayso sidii loo heli lahaa hannaan dib u heshiisiin Qaran oo leh sal adag kuna dhisan talada bulshada Soomaaliyeed si xal waaro looga gaaro khilaafyada nuucyadooda kala duwan ee dalka ka jira.

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed Gobolka Minnesota oo soo bandhigay Natiijada Cilmi Baaris ku saabsan Wadna xanuunka iyo Waxyaabaha keena

Next Post

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday seddex heshiis oo shaqa abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed

Next Post
Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday seddex heshiis oo shaqa abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday seddex heshiis oo shaqa abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda...

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

August 22, 2025
0

Munaasabad lagu daahfuray Buugga lagu magacaabo Dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, Waxaana ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In