Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed Gobolka Minnesota oo soo bandhigay Natiijada Cilmi Baaris ku saabsan Wadna xanuunka iyo Waxyaabaha keena

admin by admin
September 25, 2018
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaaliyeed Gobolka Minnesota oo soo bandhigay Natiijada Cilmi Baaris ku saabsan Wadna xanuunka iyo Waxyaabaha keena
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

 Cilmi baaris Socotay 4 sanno oo ku saaban xanuunada ku dhaca  Wadanaha iyo wax yaabaha keena oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda caymiska Caafimaadka ee  Healthpartner ayna ka qayb-qaateen Hay’addaha Caafimaadka Gobolka Minnesota oo ay ka mid yihiin WellShare East African Health Project,Hennepin Healthcare &  Aurora Health Care ayaa lagu gabo-gabeeyey Hall-ka Jaamacadda Minnesota (U OF M).

Cilmi baaristaan ku qotonta la socodka Caafimaadka dadka ayaa waxaa nasiib u yeeshay markii ugu horraysay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota Iyadoo  dhakhaatiirta sheegeen 1156 qof in ay kala qayb-qaateen baaritaanka.

Baarayaasha ayaa ku ogaaday cilmi baaristaan wax yaalaha keena wadna xanuunka,iyagoo goobta ka sheegay in ay keennaan Cayilka,Sonkorta,Macaan Karistaroolka Iyo Cabitaanka Sigaarka ama shiishada.

Dr.Biyoon Westgard oo ka hawl galla rugta caafimaadka ee Riijan Hospital,qaybta gargaarka degdeg ah,isla markaasna ah Cilmi baare dhanka caafimaadka ku xeel dheer   ayaa noo sharaxaya Cilmi baaristaan.

”Waxaan ognahay xanuunnadaa wadnaha ku dhaca xagga Somalida mudada deganaa in uu isbedelayo xitaa Soo galootiga  kale ,lakiin Somalida qaas ahaan waxa ugu weyn oo keena wadna xanuunka.   cayilka,sonkorta sigaarka,  dhinaca  raga, waxaan kaloo ogaanay sigaar cabida ragana in aysan hoos  u soo degin”

Dr Osman Haraare oo ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee caanka ka ahaa dalkeena barisaamdkii,haddana ku nool Gobolka Minnesota ayaa ii sharaxaya wax ay ka baran karraan Bulshada Soomaaliyeed cilmi baarisata noocaan oo kale ah.

Aqoon-yahannad Farhiyo Farah oo ka mid ah barayaasha Soomaliyeed ee wax ka dhiga Jaamacaada Sanmeeri qaybta  caafimaadka guud public Health ayaa fariin  ku aadan bad-baadinta ilmaha  u dirtay Hooyooyinka Soomaaliyeed & Ganacsatada leh goobaha lagu cunteeyo..

Dr, Ahmed Dalmar oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii hore ee  Somaliya,haddana ku nool Goobolka Wiskasin kana mid ah Madaxda hay’adda Aurora Health Care ayaa ka waramaya baaritaanka iyo wax yaalaha lagu ogaaday.

W/D: Cabdixakiim Cabdi Ismaciil.

Previous Post

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Xafiis ka Furatay degmada Buuhoodle+Sawirro

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir Wadatashi ah + sawirro

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir Wadatashi ah + sawirro

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir Wadatashi ah + sawirro

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In