Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda waxbarashada XFS oo la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda waxbarashada XFS oo la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ku saabsan Ololaha dib usoo nooleynta waxbarashadda dadweynaha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyaddoo Munaasabaddaasi Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliy  kula wareegtay 24  iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo, wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre,  wasiir ku-xiggeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed, wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxman Maxamuud Cabdulle, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada  Xassan Maxamed Cali, xubno ka socda bahda waxbarashada, iyo marti sharaf kale.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in maanta wasaaradda ay ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, islamarkana maanta wixii ka dambeeya wasaaradda ay qaadeyso masuuliyadooda.

“Maanta waxaan ku guuleysanay inaan la soo wareegno 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, maanta wixii ka dambeeya, waxaa masuuliyadooda qaadeysa wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya” ayuu yiri wasiir goodax

Wasiirka Waxbarashadda XFS ayaa  tilmaamay in marna aan la iloobi doonin doorkii dalladaha waxbarashada ay ka soo qaateen intii lagu guda jiray bur burka horumarinta waxbarashada.

Iskuullada maanta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ay la wareegay ayaa kala ah Kaaraan, Godey, Cabdi casiis, Gaashaanle, 11 janaayo, Bartamaha, Wiil waal, Bartanaha, Yaasiin cismaan, Agoonta Boondheere, Maxamuud mire, Hanti wadaag, Howlawadaag, Xasan khaliidi, Cali xuseen, Jabuuti, Deyniile, Maxamuud Hilowle, Axmed waayeel, Ex aqoon darsed, 21 November, 20 December, Agoonta wiilasha kaaran, iyo Macalin jaamac.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Farmaajo ayaa sheegay in dawladda ay ahmiyada koowaad siineyso horumarinta waxbarashada.

“Ahmiyadda koowaad waxaa noo ah horumarinta waxbarashada, manhajka waxbarashada waa in lagu soo daraa wadaniyadda, iyo muhiimada uu lee yahay qofka “ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa ardeyda ku sugneyd munaasabada guddoonsiyay  Buugaag ay ku qoran yihiin manhajka cusub ee wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Barnaamijka Waxbarashada Dadweynaha+ Sawirro

Next Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar u xirey Saraakiil ka tirsan Hay’addaasi “Sawirro”

Next Post
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar u xirey Saraakiil ka tirsan Hay’addaasi “Sawirro”

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar u xirey Saraakiil ka tirsan Hay’addaasi “Sawirro”

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In