Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda waxbarashada XFS oo la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 27, 2018
in Wararka
0
Wasaaradda waxbarashada XFS oo la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ku saabsan Ololaha dib usoo nooleynta waxbarashadda dadweynaha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyaddoo Munaasabaddaasi Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliy  kula wareegtay 24  iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo, wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre,  wasiir ku-xiggeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed, wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxman Maxamuud Cabdulle, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada  Xassan Maxamed Cali, xubno ka socda bahda waxbarashada, iyo marti sharaf kale.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in maanta wasaaradda ay ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, islamarkana maanta wixii ka dambeeya wasaaradda ay qaadeyso masuuliyadooda.

“Maanta waxaan ku guuleysanay inaan la soo wareegno 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, maanta wixii ka dambeeya, waxaa masuuliyadooda qaadeysa wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya” ayuu yiri wasiir goodax

Wasiirka Waxbarashadda XFS ayaa  tilmaamay in marna aan la iloobi doonin doorkii dalladaha waxbarashada ay ka soo qaateen intii lagu guda jiray bur burka horumarinta waxbarashada.

Iskuullada maanta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ay la wareegay ayaa kala ah Kaaraan, Godey, Cabdi casiis, Gaashaanle, 11 janaayo, Bartamaha, Wiil waal, Bartanaha, Yaasiin cismaan, Agoonta Boondheere, Maxamuud mire, Hanti wadaag, Howlawadaag, Xasan khaliidi, Cali xuseen, Jabuuti, Deyniile, Maxamuud Hilowle, Axmed waayeel, Ex aqoon darsed, 21 November, 20 December, Agoonta wiilasha kaaran, iyo Macalin jaamac.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Farmaajo ayaa sheegay in dawladda ay ahmiyada koowaad siineyso horumarinta waxbarashada.

“Ahmiyadda koowaad waxaa noo ah horumarinta waxbarashada, manhajka waxbarashada waa in lagu soo daraa wadaniyadda, iyo muhiimada uu lee yahay qofka “ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa ardeyda ku sugneyd munaasabada guddoonsiyay  Buugaag ay ku qoran yihiin manhajka cusub ee wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Barnaamijka Waxbarashada Dadweynaha+ Sawirro

Next Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar u xirey Saraakiil ka tirsan Hay’addaasi “Sawirro”

Next Post
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar u xirey Saraakiil ka tirsan Hay’addaasi “Sawirro”

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar u xirey Saraakiil ka tirsan Hay’addaasi “Sawirro”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In