Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska CXD Soomaaliyeed oo sheegay inuu ku Garab taagan yahay Shacabka iska caabinta Al-Shabaab

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Taliska CXD Soomaaliyeed oo sheegay inuu ku Garab taagan yahay Shacabka iska caabinta Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas, Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarsho) ayaa sheegay in uu taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed garab taagan yahay Shacabka u bareeray in ay iska caabbiyaan kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

S/Gaas, Indha Qarshe, ayaa intaa raaciyay inay soo dhoweynayaan Shacabka is-xilqaamay ee meel walba kula dagaallamaya cadawga, isla maraakaana go’aansaday inay iska Dul-qaadaan dulliga ay Ummada ku hayaan Argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026

Wuxuuna intaa raaciyay taliyuhu iyaga oo ka faa’iideysanaya dareenka Shacabka Soomaaliyeed ay isaga celinayaan cadawga in ay Laba jibbaaraan dagaalladii iyo howl-galkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, isagoo ballanqaaday inay taageero buuxda la garab taagan yihiin Shacabka.

“Waxaa xaqiiqa ah oo aan dareennay annagoo CXDS ah in meel walba wax laga soo sheegayo, oo Shacabka Soomaaliyeed uu kacay oo is-xilqaamay ,oo u adkaysan waayay dhibaatada ay Shacaka Soomaaliyeed ku hayaan, oo ay u diyaar garoobeen inay iska dhacshaan”,ayuu yiri taliyuhu.

Taliye, Indha Qarshe ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed uu qorshahiisu yahay in Sanadka 2019-ka inta ka dhimay ay Dalka oo idil ka xoreeyaan Kooxda nabad-diidka Al-Shabaab oo Ummada ku haya dhibaatooyin ba’an.

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Ciraaq

Next Post

Soomaaliya oo saxiixday Xeerka Naafada ee Qaramada Midoobay “Dhageyso Wareysi”

Next Post
Soomaaliya oo saxiixday Xeerka Naafada ee Qaramada Midoobay “Dhageyso Wareysi”

Soomaaliya oo saxiixday Xeerka Naafada ee Qaramada Midoobay "Dhageyso Wareysi"

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

January 19, 2026
0

Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali , today received the Ambassador of the Republic of...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

January 19, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In