Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo Saxiixday  Qaraarka Qaramada Midoobay ee Dadka Naafada ah War-saxaafadeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 3, 2018
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed ka soo saartay heshiis la sheegay in lala galay Shirkadda SKA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dawladda Federaalka Somaaliya ayaa waxay saxiixday qaraarka Qarammada Midoobay ee lagu ilaalinayo islamarkaasna kor loogu qaadayo xuquuqda dadka Naafada ah.

 

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo Deqa Yasin ayaa saxiixday qaraarkan kadib markii ay ka qeyb-gashay shirkii golaha guud ee Qarammada Midoobay ee New York.

Waxay ay tiri Wasiir Deqa mar ay ka hadlaysay ansixinta kadib “Shalay waxay ahayd maalin taarikhda u gashay kor u qaadida dadka Naafada ah ee Soomaaliya, sababtoo ah waxan maanta kamid noqonnay qaraarka caalamiga  ee xuquuqda dadka naafada ah. Qaraarkanina wuxuu taageero ku biirin doonaa shaqadii hore ee ka socotay gudaha Soomaaliya ee ahayd in wax laga baddalo dabeecadaha iyo hababka loola dhaqmo dadka naafada ah”

Waxay intaas ku dartay wasiirku “marka la gabogabeeyo ansixinta qaraarkan, Soomaaliya waxay mar kale muujinaysaa sida ay uga go’an tahay fulinta waajibaadkeeda ku aadan xuquuqda dadka naafada ah, sida ku cad dastuurkeena, tubta hirgelinta xuquuqda aadanaha ee qaranka iyo waajibaadka warbixta muddaysan ee lanaga rabo”

Qaaraarkani waa mid caalami ah, kaasoo caddeynaya xuquuqda dadka naafada ah, gaar ahaan wadammadda qeybta ka ah axdigani waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan, difaacaan islamarkaasna hubiyaan inay si buuxda oo loo simman yahay dadka naafada ahi uga faa’iidaysanayaan dhammaan xuquuqdooda bini’aadaminimo iyo xoriyadooda aasaasiga ah, iyo sidoo kale in kor loo qaado ixtiraamka sharaftooda ay dhaxalka u leeyihiin.

Halkan hoose kala deg lifaaqa

Press release TODAY (SOOMAALI)

Previous Post

Wasiirka Caddaalada oo soo xiray tabbabar ku saabsan ilaalinta xaquuqda carruurta

Next Post

Wasiirka Ganacsiga oo warbixin siiyay Guddiga dhaqaalaha ee Aqalka Sare

Next Post
Wasiirka Ganacsiga oo warbixin siiyay Guddiga dhaqaalaha ee Aqalka Sare

Wasiirka Ganacsiga oo warbixin siiyay Guddiga dhaqaalaha ee Aqalka Sare

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ganeraal Sebahattin Kalkan, Taliyaha Ciidanka Turk-Som, ayaa gaarey deegaanno...

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In