Wednesday, September 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo UNHCR oo ka wadahadlaya muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku xaniban Libya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo UNHCR oo ka wadahadlaya muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku xaniban Libya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland mas’uuliyiinta Hay’adda QM u qaabilsan qoxootiga Adduunka ee UNHCR.

 

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔

September 1, 2026

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Filippo Grandi oo ah madaxa hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo qoxootiga ku ah wadamada Yeman Liibiya iyo Kenya.

Mudadii kulankodi uu socday ayaa waxaa siweyn looga hadlay sidii loo soo badbaadin lahaa muwaadiniin badan oo Soomaali ah kuwaasi oo ku dhibaataysan xabsiyada dalkaasi Liibiya,kuwaasi oo qaarkood ay gacanta ku hayaan kooxo Falaago ah oo aan dowladda taageersanayn.

Kulan ballaaran, oo sidoo kale looga hadlayey gargaarka deg degga ah ee qaxootiga ka hor iyo ka dib dib-u-noqoshada mutadawacnimada, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva, H.E. Amb. Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (Insania), safiirka Soomaaliya u fadhiya Benelux iyo Midowga Yurub, H.E. Amb. Dr. Cali Siciid Faqi, Guddoomiyaha guddiga Qaran ee Qaxootiga iyo Dadka Gudaha Ku Barakacay, Mudane Axmed Cabdikariim Nuur (Axmed-Daahir) iyo Ergeyga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta, Maryan Yassin Xaji Yuusuf.

Dowladda Soomaaliya ayaa in muddo ah dadaal ugu jirtay sidii dalkoodi hooyo dib loogu soo celin lahaa dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo siyaabo kaladuwan qoxooti iyo maxaabiis ugu ah wadamo caalamka kamid ah

 

Previous Post

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ka digay in la dhisto dhulka ciidanka

Next Post

Dhallinyaro isu taagtay inay dhiig ugu deeqaan bukaanada ku jira Isbigaalka Guud ee Gaalkacyo

Next Post
Caruurta Mudug oo la ildaran nafaqo darro iyo cudurro kale+Dhageyso warbixin

Dhallinyaro isu taagtay inay dhiig ugu deeqaan bukaanada ku jira Isbigaalka Guud ee Gaalkacyo

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Serbia

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed barbar socday Shir-madaxeedka dalalka dhex-dhexaadka ah ee magaalada Belgrade,...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔

September 1, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay qabsoomidda Shirweynaha Madasha Qaran ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hay’ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

Ra’iisul Wasaare Xamsa & wafdiga la socday oo kulamo la qaatay hay’ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay

September 1, 2026
0

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Qatar, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka furmay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In