Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo Horumarineed

caqiil by caqiil
October 9, 2018
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo Horumarineed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya iyo Germany ayaa kala saxiixday labo heshiis oo xoojinaya iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si hore loogu sii qaado barnaamijyada waxtarka leh ee horumarinta qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la saxiixday labo heshiis Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya Marwo Annett Günther kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay maanta Muqdisho, ayna goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin la yaqaan oo labada dal ka kala tirsan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

Heshiisyada la saxiixay ayaa kala ah Iskaashiga Maaliyadda  oo ku baxaya qarash dhan 15 milyan oo yuuro iyo Iskaashiga Farsamo oo sidoo kale isna ku baxaya  € 9.7  milyan.

Jarmalka ayaa ah isbahaysi istiraatiijiyadeed oo Soomaali ay leedahay, waxa kale oo uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera horumarinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Aqalka sare oo Guutada 14-ka Oktoobar ku Bogaadiyay Dib u heshiisiinta ay ka sameeyeen Marka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo U Ambabaxay Dalka Sucuudiga

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo U Ambabaxay Dalka Sucuudiga

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo U Ambabaxay Dalka Sucuudiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In