Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Aqalka sare oo Guutada 14-ka Oktoobar ku Bogaadiyay Dib u heshiisiinta ay ka sameeyeen Marka

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Aqalka sare oo Guutada 14-ka Oktoobar ku Bogaadiyay Dib u heshiisiinta ay ka sameeyeen Marka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Arrimaha Horumarinta Bulshada Dhaqanka iyo Warfaafinta ee Aqalka sare Axmed Macalin Cumar “Axmed Nadiir” ayaa bogaadiyay Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku guuleystay in lakala qaado Maleeshiyo beeleed muddo 6 sano ah isku hor fadhiyay magaalada Marka ee Xarunta Shabeellaha Hoose.

Axmed Nadiir oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in Magaalada Marka ay hada nabad tahay isla markaana ay Shacabka rajo badan ka qabaan inay Magaalada ku talaabsato hormarada Amniga, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Related posts

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

July 28, 2026
Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

July 28, 2026

“Xaalada Magaalada Marka Lix sano ayay mugdi u aheyd oo Nolosha caadiga aysan ka jirin xag caafimaad iyo Waxbarasho laakiin hada waxaan leenahay Magaalada Marka waxay kusoo socotaa sideedii hore inay noqoto oo rajo badan ayaa laga qabaa, waxaana kaga mahad celineynaa Guutadda 14-Oktoobar oo ku guuleysatay amniga iyo dib u heshiisiinta”.

Sidoo kale Senator Axmed Macalin Cumar ayaa amaanay Taliyaha Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka uu sheegay inuu Shacabka kasbaday isla markaana dadaal badan ku bixinaya guud ahaan Xasiloonida magaalada.

“Markii aan dadweynaha dhageysanayay waxay ku sifeeyeen Axmed Gaashaan oo ah Taliyaha Guutada 14-Oktoobar nin Halyeey oo u qalma howsha ay Dowlada Federaalka usoo xilsaartay, wuxuuna ku guuleystay inuu nabadeeyo Magaalada isla markaana uu isku keenay Maleeshiyadii Lixda sano is horfadhiyay uuna heshiisiiyay”.

Guddoomiyaha Arrimaha Horumarinta Bulshada Dhaqanka iyo Warfaafinta ee Aqalka sare ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kaga mahad celiyay inuu si hoose ula socdo Xaalada Magaalada Marka oo isbedeladii dhanka amniga uu sameeyay ay suurta galisay in ciidammada ay ku guuleystaan amniga guud ahaan magaalada, iyagoona Al shabaab ka sifeeyay Marka iyo deegaanada u dhow.

Previous Post

Maamul Gobaleedka Jubbaland oo Tababar usoo xirtay Ciidamo si gaara loo Tababaray

Next Post

Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo Horumarineed

Next Post
Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo Horumarineed

Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo Horumarineed

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

July 28, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta ololihiisa doorashada ka sameeyay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, iyadoo ay ka...

Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

July 28, 2026
0

Addis Ababa, Itoobiya | 28 Luulyo 2026: Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgaleysa Kalfadhiga 49-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgaleysa Kalfadhiga 49-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

July 28, 2026
0

Addis Ababa, Itoobiya | 28 Luulyo 2026 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

July 28, 2026
0

Muqdisho – Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka furmaya Shir Cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Dalka, kaas oo uu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In