Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Aqalka sare oo Guutada 14-ka Oktoobar ku Bogaadiyay Dib u heshiisiinta ay ka sameeyeen Marka

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Aqalka sare oo Guutada 14-ka Oktoobar ku Bogaadiyay Dib u heshiisiinta ay ka sameeyeen Marka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Arrimaha Horumarinta Bulshada Dhaqanka iyo Warfaafinta ee Aqalka sare Axmed Macalin Cumar “Axmed Nadiir” ayaa bogaadiyay Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku guuleystay in lakala qaado Maleeshiyo beeleed muddo 6 sano ah isku hor fadhiyay magaalada Marka ee Xarunta Shabeellaha Hoose.

Axmed Nadiir oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in Magaalada Marka ay hada nabad tahay isla markaana ay Shacabka rajo badan ka qabaan inay Magaalada ku talaabsato hormarada Amniga, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

“Xaalada Magaalada Marka Lix sano ayay mugdi u aheyd oo Nolosha caadiga aysan ka jirin xag caafimaad iyo Waxbarasho laakiin hada waxaan leenahay Magaalada Marka waxay kusoo socotaa sideedii hore inay noqoto oo rajo badan ayaa laga qabaa, waxaana kaga mahad celineynaa Guutadda 14-Oktoobar oo ku guuleysatay amniga iyo dib u heshiisiinta”.

Sidoo kale Senator Axmed Macalin Cumar ayaa amaanay Taliyaha Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka uu sheegay inuu Shacabka kasbaday isla markaana dadaal badan ku bixinaya guud ahaan Xasiloonida magaalada.

“Markii aan dadweynaha dhageysanayay waxay ku sifeeyeen Axmed Gaashaan oo ah Taliyaha Guutada 14-Oktoobar nin Halyeey oo u qalma howsha ay Dowlada Federaalka usoo xilsaartay, wuxuuna ku guuleystay inuu nabadeeyo Magaalada isla markaana uu isku keenay Maleeshiyadii Lixda sano is horfadhiyay uuna heshiisiiyay”.

Guddoomiyaha Arrimaha Horumarinta Bulshada Dhaqanka iyo Warfaafinta ee Aqalka sare ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kaga mahad celiyay inuu si hoose ula socdo Xaalada Magaalada Marka oo isbedeladii dhanka amniga uu sameeyay ay suurta galisay in ciidammada ay ku guuleystaan amniga guud ahaan magaalada, iyagoona Al shabaab ka sifeeyay Marka iyo deegaanada u dhow.

Previous Post

Maamul Gobaleedka Jubbaland oo Tababar usoo xirtay Ciidamo si gaara loo Tababaray

Next Post

Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo Horumarineed

Next Post
Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo Horumarineed

Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo Horumarineed

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In