Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee QM usoo magacaawday Soomaaliya(Sawirro)

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee QM usoo magacaawday Soomaaliya(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nikolas Heisam iyo Kaaliyihiisa gaarka ah Anna Risssanen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  iyo Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa ka wada hadlay wada shaqeynta QM iyo Golaha Shacabka gaar ahaan sidii baarlamaanka looga taageeri lahaa dhinaca sharci dejinta.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah sidii wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen baarlamaanka dhexe iyo Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada iyo sidii sanadka 2020-ka ay doorasho qof iyo cod ah uga dhici laheyd Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nikolas Heisam ayaa guddoomiyaha uga mahad celiyay xoojintiisa la xiriirta wada shaqeynta golaha shacabka iyo Qaramada Midoobay isagoo balan qaaday wad shaqeynta labada dhinac la xoojin doono.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Nikolas Heisam Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay isagoo ka rajeeyay in halkiisa kasii wado wada shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa golaha shacabka e Baarlamaanka iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Previous Post

Guddoonka Aqalka sare oo qaabbilay Amb,Nicholas Haysom (Sawirro)

Next Post

Kulan ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Next Post
Kulan ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Kulan ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In