Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dalka Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka cusub ee QM u soo dirtay Soomaaliya Nicholas Haysom, waxaana ay ka wada hadleen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yahiin sidii loo dar dargalin lahaa shaqooyinka ay ka wadaan Hay’addaha UN-KA Soomaaliya.
Nicholas Haysom ayaa sheegay in Somaaliya ay horumar badan ka sameysay Arrimaha Buslahda iyo dhaqaalaha, Hergalinta qorshaha horumarinta Qaranka oo uu xusay in Hay’addaha UN-ka ay ku shaqeyn doonaan muhiimada ku dul xusan.
Mr Nicholas Haysom ayaa uga mahadceliyay Wasiirka dadaalada kala duwan ee wasaaradiisa ay ka wado dhinaca horumrinta iyo jiheenta tubta horumarka Soomaaliya oo wasaaradda ay door muuqda ka qaadanayso, wuxuuna intaasi ku daray in wada shaqeynta balaaran ee ka dhaxeyso Hay’addaha UN-ka iyo Wasaaradda qorsheynta in mudada xil hayntiisa ku egtahay uu dar dargalin doona.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa Wakiilkan ku bogaadiyay sida ay uga go,antahay xoojinta wada shaqeynta uu la yeelanayo Hay’addaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka rajeeyay inuu door weyn ku yeesho Isbedelada Hormarka ee ka socda Soomaaliya.