Wednesday, April 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaxarii Isgoyska Zobbe yaa ka mid ahaa Dadkii uu noloshooda uu galaaftay?

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Qaxarii Isgoyska Zobbe yaa ka mid ahaa Dadkii uu noloshooda uu galaaftay?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Muqdisho waxaa 14-kii bishan October ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee magaalada ka dhaca, kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 500 oo qof, islamarkaana boqolaal kale ay ku dhaawacmeen, haddaba Dadkii wax ku noqday ayaa waxaa ka mid ahaa…

1- Duraan Abdi Xersi, waxa uu ahaa Sagaal iyo toban sano jir Arday ahaa, 2016 ayuu dhammeeyey waxbarashada heerka Dugisiga sare, isagoo ka baxay Dugisga Macmuur ee Magaaladda Muqdisho, waxa uu dhiganayey Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Semister-ka koowaad ayuuna ahaa, waxa uu kamid ahaa Alle ha u naxariistee dadkii ku dhintay Xasuuqii ka dhacay Igooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho 14kii Oktoobar 2016.

Related posts

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

April 29, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

April 29, 2026

Fowziyo Cali Xasan oo la dhalatay Duraan, ayaa ii sheegtay nolosha qoyska in saameyn weyn ay ku yeelatay geerida walaalkeed ku timid, iyaddoo xustay in uu ahaa qofka kaliya ee wax u bartay qoyska, islamarkaana la joogay waqtigii laga faa’iideysan lahaa noloshiisa iyo Cilmigii uu soo bartay.

2- Hooyo Shariifo Xuseen Raage, waxay aheyd garab rarato jirta 40 sano, iibinta caano ay dhabar keeda kusoo qaado ayey ku maareyn jirtay Nolosha Qoyskeeda oo ka koobnaa 6 qof oo Afar kamid ah ayey yihiin caruur aad u yar iyo Aabaha Qoyskaasi oo la jiifay xanuun uu muddo la daalaa dhacayey, Alle ha u naxariistee waxay ku dhimatay qaraxii 14ka Oktoobar ka dhacay Muqdisho.

Mid kamid ah Ehelka Qoyskaaga oo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA la hadlay ayaa inoo sheegay in Geerida Alle ha u naxariistee Hooyo Shariifo Qoykaasi saameyn xooggan ay ku yeelatay, maadaama ay aheyd qofka kaliya ee nolosha reerka uu ku tiirsanaa, una shaqeyn jirtay.

3- Maxamed Cabdulle Cabdi, waxa uu ahaa Curadka Qoys ka kooban 8 Qof oo 6 kamid ah ay gabdho yihiin, da’diisu waxay aheyd 35 sano jir, waxuuna ka shaqeynayey Dukaan ku yaalla Suuqa bakaaraha, waxa uu ahaa qofka kaliya ee uu ku tirsanaa qoyskaasi, isagoo waxbarashada ka bixin jiray caruurta ka yar, dadkii sida arxan darradda aheyd loogu laayey Isgooyska Ex Zoobe ayuu kamid ahaa, xilliga uu dhimaney ayaa waxa uu ka yimid aaska mid kamid ah Ehelkiisa oo geeriyooday, laguna aasay Deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho.

Nafiso Cabdulle Cabdi, waa currad ku xiggeenka Qoyska Maxamed, mar aan aan la hadalnay, waxay inoo sheegtay in saameyn weyn qoyska ay ku reebtay geerida Marxuum Maxamed Cabdulle, iyadda iyo walaalaha ka yar ayey sheegtay inay joojiyeen Waxbarashada, maadaama ay waayeen qofka ka bixiya Lacagta waxbarashada oo markii uu noolaa uu ka bixin jiray Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdulle Cabdi.

4-Cabdullaahi Ciise Yuusuf, waxuu ahaa 21 sano jir deganaa Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir, waxa uu ahaa Xoogsato ka shaqeyn jiray agagaarka Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, isagoo kamid noqday dadkii Nabad diidka Alshabaab ay ku laayeen Xasuuqii 14ka Oktoobar. sawirka lama hayo.

5-Xuseen Axmed Guuleed, waxuu ahaa 32 sano jir Xaasle ah oo ay u joogeyn Labo caruur ah, waxa uu ahaa Qofka kaliya ee u shaqeynayey Qoyskiisa oo ka kooban 10 ruux oo ay ku jiraan Hooyadiis iyo adeerkiis, oo la daala dhacaya xanuun sariirta saaray, waxa uu sidoo kale ahaa dhaqtar ka shaqeeynayey Isbitaalka Madiino, Xilli uu marayey isgooyska Zoobe, kana soo baxay Shaqadiisa islamarkaana kusii jeeday hoygiisa ayuu ku dhintay Xasuuq 14ka Okoobar ka dhacay.

Cabdullaahi Cali Faarax oo Marxuum Xuseen ay ilmo adeer yihiin ayaa inala wadaagay saameynta Qoyskaasi uu ku reebay geedi Alle ha u naxariistee Xuseen Axmed Guuleed, isagoo sheegay in dadka aad uu u saameyey ay kamid yihiin hooyadiis iyo adeerkiis oo xaaladooda uu si gaar ah uu ula socday, hadana ay sariir la saaran yihiin xanuuno kala duwan.

SONNA NEWS

Previous Post

Gudoomiye ku-xigeenka G/Banaadir oo kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka “SAWIRRO”

Next Post

Laba Milyan oo Doollar oo loo diyaariyay Fulinta Qorshayaasha ugu Horreeya Barnaamijka Is-xilqaan

Next Post
Laba Milyan oo Doollar oo loo diyaariyay Fulinta Qorshayaasha ugu Horreeya Barnaamijka Is-xilqaan

Laba Milyan oo Doollar oo loo diyaariyay Fulinta Qorshayaasha ugu Horreeya Barnaamijka Is-xilqaan

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

Degmada Waaberi oo lagu qabtay kulanka la dagaallanka maandooriyaha

April 29, 2026
0

Waxaa maanta Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, lagu qabtay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsanaa la-dagaallanka maandooriyaha, doodaas oo ay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo daahfuray shirka Taliyeyaasha EAC

April 29, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka Taliyayaasha Talisyada Sirdoonka...

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

April 29, 2026
0

koofurgalbeed, waxaa ka socda hardan dimuquraadi ah oo aad u xoog badan kaas oo ay ku baratamayaan dhamaan daneeyayaasha Doorashooyinka...

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

April 29, 2026
0

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In