Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha degmooyinka G/banaadir “Sawirro”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha degmooyinka G/banaadir “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxa uu Shir muhiim ah la qaatay Dhammaan Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana kulankaasi looga hadlay dib u habeynta hay’adaha Garsoorka.

 

Shirka ayaa waxaa soo Qaban-qaabiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi waxaa kasoo Qeybgalay Guddoomiyaasha Maxkamadaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu horeyn Ajandaha Shirka ayaa waxaa jeediyay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka  Banaadir, Waxaan Dood iyo falaanqeyn kadib Qudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa halkaasi ka jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa Kula dardaarmay Guddoomiyayasha in ay Xoogooda isugu geeyaan siddii loo Xoojin lahaa Hergalinta  Nidaam Caddaaladeed  ay Shacabku isku haleyn karaan, loona badali lahaa Fahamka qaldan ee horay looga aaminsanaa Maxkamadaha Dalka Guud ahaan gaar ahaan kuwa Gobolka  Banaadir, isaggoo balan qaaday in wax laga qaban doono baahiyaha Shacabka ay u qabaan garsoorka.

Gabogabada Kulanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u gudoonsiiyey Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Degmooyinka Nuqulo kamid ah Xeerarka Madaniga,Ciqaabta iyo Labadooda Habraac.

Kulankaan ayaa wuxuu qeyb ka yahay Shirarka looga gol leeyahay Isla Xisaabtan iyo Dardargalinta Adeega Garsoorka uu siiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Xasuus Qaran Oo Loo Samaynayo Muwaadiniintii Soomaaliyeed Ee Lagu Dilay Weerarkii October 14, 2017

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Saraakiisha Ciidanka faray inay dardar geliyaan adkeynta Ammaanka “Sawirro”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska oo Saraakiisha Ciidanka faray inay dardar geliyaan adkeynta Ammaanka “Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Saraakiisha Ciidanka faray inay dardar geliyaan adkeynta Ammaanka “Sawirro”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In