Munaasabadan ay ku qalin jabinayeen 560 Arday oo dhameysatay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Somaville ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomalaiya, Xildhibaano, Waalidiin, iyo Marta Sharaf kale.
Ardayda Qalin jabisay ayaa waxaa Waxbarashadda soo wadeen muddo ka badan Afar Sano, Ardayda ayaana jawiyadooda waxaa laga dheehan karay farxad aad u badan.
Gudoomiyaha Jaamacadda somaville Cabdinuur Sheekh Axmed oo ka hadlay Munaasabadda ayaa kula dardaarmay ardayda qalin jabisay in ay wax ku soo kordhiyaan dalkooda ayna sii wataan barashada Aqoonta.
Xildhibaan Sahra Cumar Maalin ayaa ugu baaqday ardayda Soomalaiyeed in ay sara u qaadaab barashada Af-Soomaaliga.
Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa kula dardaarmay ardayda dhameysatay Waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda somaville in kordhiyaan Aqoontooda.
“Waxaa loo baahan yahay in aad kordhisaan Aqoontiina horayna u sii socotaan illaa aad ka gaareysaan heerka ugu danbeaya ee qof Waxbarasho ka gaaro”
Gabagabadii Munaasanadda ayaa waxaa Shahaadooyin lagudoonsiiyay ardayda dhameysatay Waxbarashadda Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.