Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo UK uga qeybgalay shir caalami ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo UK uga qeybgalay shir caalami ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen  iyo Wafdii uu hogaaminayo oo maalmahaan safar shaqo ku joogay wadanka UK gaar ahaan magaalo madaxdiisa ee London, ayaa halkaasi kaga qeyb galay furitaanka shir caalami ahaa oo ay Dowlada UK marti galineysay kuna saabsanaa Ciribtirka ganacsiga sharci darrada ah ee duurjoogta.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026

Shirkan oo socday muddo labo cisho ah ayaa  waxaa ka qeybgalay madax ka kala socotay dhowr dal si ay uga caawiyaan ka qeyb galayaasha ciribtirka ganacsiga duur-joogta sharci darrada ah iyo in la ilaaliyo noocyada duurjoogta ugu caansan dunida ee khatarta ugu jira in la dabar gooyo.

Ugu dambeyn shirkaas oo ah markii ugu horeysay oo Dowladda Soomaaliya lagu casuumo ayaa Wasiirka iyo wafdigiisaba waxay soo dhaweyn balaaran kala kulmeen Dowladda UK gaar ahaan Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo barwaaqo sooranka Hon. Jeremy Hunt.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni la qaatay hogaamiyeyaasha kale ee ka soo qeybgalay shirkaas, oo ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya looga caawin lahaa ilaalinta duurjoogta.

Previous Post

Wafdi ka socda Dowladda Qatar oo soo gaaray Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhagax dhigay Xarunta Tiyaatarka Qaranka “Dhageyso+sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhagax dhigay Xarunta Tiyaatarka Qaranka “Dhageyso+sawirro”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhagax dhigay Xarunta Tiyaatarka Qaranka "Dhageyso+sawirro"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In